​Puntland: Wasiirka Amniga oo ka hadlay xaaladda xeebaha

Image

Kulan saxaafadu dibad jooga ka ahayd oo maanta ka qabsoomay magalada Garowe ayaa looga hadlay xaaladda Puntland iyo qaabka loo wajahayo arrimaha kasoo cusboonaaday xeebaha Puntland.

Shirkan oo ka dhacay xarunta madaxtooyada, waxaa shir gudoominayay madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo weheliyaan xubno katirsan golaha xukuumadda iyadoo lagu falanqeeyay arrinta ciidamada katirsan Shabaab ee soo gaaray gobollada Mudug iyo Nugal gaar ahaan deegaanada xeebaha dhaca.

Kulanka kadib waxaa warbaahinta la hadlay wasiirka Amniga Cabdi Xirsi Cali Qarjab isagoo saxaafadda u faah-faahiyay dhacdooyinkii ugu dambeeyay, wuxuuna si gaar ah uga hadlay xaaladda deegaanka Garacad oo ilaa shalay ku jirtay gacan mallayshiyaad katisan Shabaab.

Qarjab, ayaa xusay inay dowladdu ka warhayso dhaq-dhaqaaqyada socda, isagoo dhacdooyinkii ugu dambeeyay ku eedeeyay dowladda Federalka Somalia oo uu sheegay inay wato carqalad xooggan kadib markii Puntland ka hortimi nidaamka 4.5 oo DFS horboodayso.

Qarjab, ayaa arrintaasi ku sifeeyay inay la macno tahay qaabkii loo soo noolayn lahaa bur-bur labaad oo soo wajaha dalka Somalia, wuxuuna intaasi raaciyay in Puntland ka go'antahay qaabkii deegaamadeeda u difaacan lahayd.

Wasiirka oo ka hadlay kabixinta Shabaab ee deeegaanka Garacad ayaa ku sifeeyay baqdin, wuxuuna ku goodiyay in dhawaan la arki doono tallaabada dowladdu ka qaado kooxahaasi.

Dhinaca kale, warar aan ka helnay ilo lagu kalsoonyahay ayaa sheegay in Puntland lagu soo rogay xaalad dag-dag ah, waxaana heegan buuxa lageliyay dhammaan laamaha ammaanka iyadoo la sheegay in Puntland ka gaashaamatay xaaladaha soo cusboonaaday.

Falkan, ayaa kusoo beegmay xilli muddooyinkii dambe khilaaf xooggan dhexyaallay dowladda Federalka Somalia iyo Puntland, kaasi oo ka dhashay habraaca doorashada 2016, waxaan xukuumadda fadhigeedu yahay Garowe ku adkaysatay inaan nidaamkaasi lagu noqon karin.

Dhinaca kale Imaanshahan koohan katirsan Shabaab, ayaa kusoo beegmay xilli mallayshiyaad taabacsan  Al-Shabaab iyo Daacish ku suganyihiin Buuladayda Gal-gala ee gobolka Bari.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland oo Muujiyay Inay Yihiin Laf-Dhabarta Amniga Soomaaliya

Howlgalladan guuleystay ee PDF ayaa noqonaya mid xoojinaya doorka Puntland ee ku aaddan la-dagaallanka argagixisada.

  • Puntland

    20-08-2025

  • 06:23AM

Ciidamada Puntland oo Horumar Ballaaran Ka Sameeyay Dagaalka ISIS ee Buuraha Cal-Miskaad

Cutubka 1-aad ee ciidamada difaaca Puntland ayaa howlgallo is-daba-joog ah ka wada jihooyin badan oo buuraleyda Cal-Miskaad ah.

  • Puntland

    18-08-2025

  • 12:40PM