​Shacabka Garowe oo ka hadlay handadaada wasiir Soocade [Dhagayso]

Image

GAROWE- Shacabka ku nool magaalo madaxda Puntland ee Garowe, ayaa  si kulul uga hadlay caburtinta dowladdu ku hayso qaybaha saxaafada, gaara ahaan xayiraada  Idaacada Daljir oo maalinkii 4-aad hawada ka maqan.

Shacabka oo aragtidooda lagu weydiiyay barnaamij maanta ka baxay Raio Garowe, ayaa cambaareeyay hanjabaada wasiirka wasaaradaa warfaafinta Maxamuud Xassan Soocadde dhawaam hawada u mariyay wariyaasha ka howlgala Puntland.

Dadwaynaha ayaa sidoo kale xukuumadda Madaxwayne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ugu baaqay in tilaabo ka qaado hadalka wasiir Soocadde oo ay ku sifeeyeen mid aan munaasab ku ahayn jiritaanka dowladda iyo ilaalinta dastuurka.

Barnaamijka oo si toos ah/Live uga baxayay idaacada ayaa ka qayb-galay qaarkood codsadeen in loo baahan yahay soo celinta xoriyadda maqal baahiyaha Daljir, waxayna xuseen in xayiraaddan sharci darrada ah xannibtay barnaamij kor u qaadayay tacliinta iyo madadaalinta dhalinyarada.

Aragtida shacabka Garowe ee ku aadan caburinta iyo caga-juglaynta wasiir Soocade ee warbaahinta Puntland, ayaa kusoo aadaysa xilli la qorshaynayo in Puntland u gudubto nidaamka axsaabta badan, waxaana madaxweyne Gaas loollankiisii murashaxnimo qayb ka ahaa inuu ilaalinayo xuquuqda hadalka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM