WARSAFXADEED: Puntland oo digniin u dirtey Barlamanka Federaalka Somaliya

Image

BOSSASO,Puntland- Qoraal kasoo baxay dowlada Puntland ayaa waxay digniin ka bixisay in Barlamanka Somaliya wax ka badalis ku sameeyo heshiiskii doorasho ee Somaliya kaasoo Dowlada Federaalka iyo maamulada wadagaareen.

Warsaxafdeedkaan oo maanta kasoo baxey xafiiska Madaxweynaha Puntlnad ayaa digniin loogu direy gudoonka Barlamanka iyo xildhibaanada golaha taasoo lagu sheegey ineysan awood u laheyn iney wax ka badalaan heshiis siyaasdeed madaama waqtigoodii dhamaadey.

Dowlada Puntland ayaa sidoo kale qoraalkaan ku sheegtey in sababta Barlamanka faragelinta ugu sameynayo heshiiskaan tahay isagoo raadinaya muddo korarsi. 

 Warsaxafdeedkaan ayaa diirada saarey Barlamanka Somaliya balse ka gaabsadey in madaxda kale ee dowlada Federaalka u dirto digniin hadii wax laga badalo heshiiskii doorasho ee Somaliya.

Warsidaha Garowe Online oo qoraal horey uga qorey HALKAN KA AKHRISO qorshaha la rabo in isbadal loogu sameeyo sharciga doorashada ee Somaliya ayaa rumeysan in qorshahaan uu dabada ka riixayo Madaxweyne Xasan Shiikh halka uu gacansaar kala sameynayo arinkaan gudoomiyaha Barlamanka.

Gudoomiyaha Barlamanka ayaa welwel siyaasdeed ka qaba awooda heshiiskaan siinayo maamul goboleedyada madaama dagaal siyaasdeed uu ka dhexeeyo Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ee Somaliya.

HALKAN KA AKHRISO WARSAXAFDEEDKA DOWLADA PUNTLAND KASOO SAARTEY DIGNIINTA AY U DIRTEY BARLAMANKA FEDERAALKA SOMALIA.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM