Xildhibaan sheegey in Puntland iyo Jubaland aqbaleen 4.5 [Dhageyso]

Image

KISMAYO, 18 Jan, 2016- Xildhibaan Cabdiwahab Ugaas Xuseen oo la hadley Idaacada Radio Garowe ayaa sheegey in dowlada Puntand iyo Jubaland fikir ahaan aqbaleen in aqalka hoose ee Barlamanka dowlada Federaalka lagu soo xulo 4.5.

Cabdiwahab Ugaas Xuseen oo ka tirsan Barlamanka dowlada Federaalka islamarkaana ku sugnaa madasha shirka magaalada Kismayo ayaa sheegey in maamulka Galmudug iyo Koonfur Galbed ay diideen in aqalka sare lagu soo xulo nidaamka degmooyinka iyagoo dalbadey in labada aqalba Barlamankooda noqdaan kuwa 4.5 lagu keeno.

Mudanahaan ayaa sheegey in sababta shirka la burburey tahay kadib markii Galmudug iyo Koonfur Galbeed tanaasul ka sameyn waayeen mowqifkooda ku aadan 4.5 in lagu soo xulo dhamaan xildhibanada Barlamanka.

Warsidaha Garowe Online ayaa horey u shaaciyey in is-afgaran waaga kulankan uu salka ku hayey in maamulada Puntland iyo Jubaland diideen in aqalka hoose iyo sare lagu soo xulo nidaamka 4.5 halka maamulada kale dhinaca kale istaageen balse xildhibanakaan ayaa shaaca ka qaadey xog ka duwan arimaha la isku hayey.

Ma jiro warsaxafdeed rasmiya oo kasoo baxey dhinacyada kulanka uga socdey magaalada Kismayo oo la xiriira arrimaha la isku af-garan waayey marka laga reebo Railsal wasaraha Somalia oo hadal kooban jeediyey markii uu ka dhoofayey xarunta Jubaland.

GAROWEONLINE

 

Related Articles

Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland oo Muujiyay Inay Yihiin Laf-Dhabarta Amniga Soomaaliya

Howlgalladan guuleystay ee PDF ayaa noqonaya mid xoojinaya doorka Puntland ee ku aaddan la-dagaallanka argagixisada.

  • Puntland

    20-08-2025

  • 06:23AM

Ciidamada Puntland oo Horumar Ballaaran Ka Sameeyay Dagaalka ISIS ee Buuraha Cal-Miskaad

Cutubka 1-aad ee ciidamada difaaca Puntland ayaa howlgallo is-daba-joog ah ka wada jihooyin badan oo buuraleyda Cal-Miskaad ah.

  • Puntland

    18-08-2025

  • 12:40PM