XOG: Madaxweynaha Puntland oo heshiis kale la galey maamulka Galmudug

Image

GAROWE,Puntland- Wararka Warsidaha Garowe Online ka helayo Ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in madaxweynaha Puntland heshiis KMG ah la galey maamulka Galmudug kaasoo ka kooban Afar qodob.

Heshiiskaan ayaa sida Warsidaha GO fahansan yahay ayaa waxaa qayb ka ah madaxda dowlada Federalka ee waqtigoodu dhamaadey.

Madaxweynaha Puntland oo wadanka Imaraadka Carabta ku sugan ayaa wararku sheegayaan inuu 24 saac ee la soo dhaafey ku mashquulsanaa sida uu saraakiisha uu madaxda kale ugu qancin lahaa heshiiskaan. 

Heshiiskaan ayaa qoraya; 1-In xabad joojin degdeg ah labada dhinac sameeyaan; 2- In la joojiyo dhismaha suuqa xoolaha lagu iibsho; 3- In guddi ka kooban labada dhinac oo heer wasiir ah kulmaan maalmaha soo socda ; 4- In la furo garoonka diyaardaha ee ku yaal dhinaca Galmudug; iyo 5- In kulanka ugu dambeeya dowlada Puntland iyo Galmudug ku yeeshaan magalada Muqdishu Iyadoo goob joog yihiin madaxdii hore ee Madasha.

Heshiiskaan ayaa imaanaya xilli magalada Garowe ku sugan yahay Ra'isal wasaarihii hore ee Somalia kaasoo qayb ka ahaa heshiiskii hore ee fashilmey oo dhexmarey labadaan maamul.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in heshiiska madaxweyne Gaas la galey Galmudug uu ahaa mid dhinaca taleefanka lagu gaarey.

Puntland iyo Galmudug ayaa xiriirkooda xumaa tan iyo intii maamulka ka kooban gobolka iyo Barka dhidibada loo taagey.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM