​Cadaado: Xubnaha ka socday beesha Caalamka oo la fasaxay [Daawo]

Image

CADAADO, Somalia- Xubnaha ka socday beesha Caalamka ayaa la fasaxay kadib markii ay muddo badan joogeen xafladda caleemo saarka Madaxweynaha Galmudug oo ka socota magaalada Cadaado.

Xafladda oo gabo gabo ku dhow ayaa waxaa ka hadlay Wakiilka Qaramada Midoobey ee Somalia Michael Keating, wuxuuna Hambalyo u diray Madaxweyne Xaaf isagoo ka codsaday inuu dardargaliyo wadahadallada maamulka Ahlu Sunna isagoo ku hadal qabsaday kalmad ay Somalidu isticmaasho oo ah "Aan wada hadalno waa aan hishiino".

Intaas kadib ayaa guddiga qaban qaabadu waxay fasaxeen xubnaha beesha caalamka oo la sheegay inay baxayaan oo ku laabanayaan goobihii ay ka yimaadeen.

Sidoo kale waxa khubado jeedinaya madaxda maamullada Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM

Danjire Alper Aktaş: Amniga Soomaaliya waa nabad-gelyadda Turkiga

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya ayaa hadalkan sheegay maalin kadib soo bandhigida Markabka Turkiga.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:06AM