​Codaynta wareegga 1aad ee doorashada Madaxweynaha Somalia oo socota

Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Doorashada Madaxweynaha Somalia, ayaa hadda si toos ah u bilaabatay magaalada Muqdishu, waxaana soo xaadiray 328 mudane sida uu sheegay Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari Guddoomiyaha golaha Barlamanka aqalka hoose.

Hal mudane ayaa ka maqan hoolka doorashada kaasoo la sheegay inuu xanuunsanyahay.

Jawaari ayaa xafladda doorashada si rasmi ah u furay, wuxuuna tilmaamay in doorashadu noqon doonto mid ku dhacda cadaalad.

Mar uu ka hadlay hababka loo kala guulaysan karo, wuxuu sheegay in wareegga 1aad Madaxweynaha noqon karo qofkii hela saddex meelood labo codadka Xildhibaanda Barlamanka oo ka dhigay 219 cod.

Wareegga 2aad ayuu tilmaamay inay u gudbi karaan murashaxiin gaaraysa 4 hadii aysan jirin qof 5aad oo codadka mid kamid ah Afartaas kala siman.

Wareegga saddexaad ayuu xusay inuu u gudbi doonaan 2 murashax ee ugu codka badan, kuwaasoo ku kala bixi doona hal dheeri codadkii ay heleen.

Dhammaan murashaxiinta labada Aqal ee Barlamanka Somalia ayaa si wadajir ah codkooda u dhiibanaya.

21 murashax ayaa ku tartamaya hoolka doorashada kadib markii uu tanaasulay murashax Zakariye Maxamud Xaaji Cabdi, kaasoo sheegay in faro galin qaawan lagu hayo doorashada Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Hay’adaha Dowladda Soomaaliya oo laga mamnuucay in ay shirar ku qabtaan dibadda

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa fariintan ka sheegay Shirka Todobaadlaha ee Xukuumadda Federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 10:46AM

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM