Daacish oo sheegatay dilka Sarkaal katirsan NISA

Image

MUQDISHU, Somalia- Kooxda Daacish ayaa markii ugu horeysay sheegatay in Sarkaal sare oo katirsan Hay'adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Soomaaliya ee (NISA) ku dishay magaalada Muqdishu.

Wakaaladda Wararka u faafiso Daacish (Amaq News Agency), ayaa sheegtay in Sarkaalkaas lagu qaarajiyay Waqooyiga magaalada Muqdishu, ee caasumadda dalka Soomaaliya.

Daacish ma aysan sheegin magaca mas’uulka ay dileen.

Wararka madaxabanaan ee GO uu ka helayo Xaafada Fagax ee degmada Yaaqshiid ayaa sheegaya in xalay halkaasi uu ka dhacay qarax ka dhashay bamb gacmeed lasoo tuuray.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir, Cabdifataax Cumar Xalane, ayaa Radio Garowe u sheegay inaysan jirin sheegashada Daacish ee dilka Sarkaalkaag.

Xalane, ayaa intaas ku daray inuu jiro qarax xalay ka dhacay magaalada Muqdishu, balse aysan jirin cid wax ka soo gaartay.

Arrintan ayaa timid xilli mallayshiyaad katirsan Daacish ay ku sugantahay qaybo kamid ah dalka Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Hay’adaha Dowladda Soomaaliya oo laga mamnuucay in ay shirar ku qabtaan dibadda

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa fariintan ka sheegay Shirka Todobaadlaha ee Xukuumadda Federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 10:46AM

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM