​Dagaal khasaaro sababay oo ka dhacay gobolka Shabeellaha hoose

Image

AFGOYE, Somalia-  Dagaal khasaaro geestay oo u dhaxeeya labo malleeshiyo beeleed ayaa ka dhacay deegaan ku yaalla duleedka degmada Afgooye, ee gobolka Shabeellaha hoose.

Wararka aan dadka deegaan ka helayno ayaa xaqiijinaya in dagaalka uu qarxay, markii labada beelood ay ku murmeen lahaanshaha dhul beereed ku yaalla Tuulada Buulo-Yareey, oo 15Km u jirta Afgooye.

Dadka ku dhintey colaadda waxaa ku jiraa caruur iyo dumar ay guryahaooda ugu tagtey rasaasta dhexmartay labada dhinac. Dad badan oo shacab ah ayaa ku dhaawacmay dirirta.

Weerarka oo dhacay Maalintii Axadda, ayaa xiisaddiisa laga dareemaya gobolka iyadoo ay socdaan dadaalo ku aadan sidii lagu qaboojin lahaa.

Mas’uuliyiinta gobolka Shabeellaha hoose ayaa ugu baaqay labada dhinac inay joojiyaan dagaalka, islamarkaana ay wadahadal ku xaliyaan khilaafka ka taagan dhul beereedka ay ku murmeen.

Odayaash deegaanka ayaa lagu soo waramayaa inay ku baxeen colaadda, islamarkaana ay qaboojiyeen iska-hor-imaadka, inkastoo wali la maqlayo rasaas goos-goos ah, oo aan sidaasi u badnayn.

Gobolkan waxaa ka taagnaa sanadihii dambe dagaal u dhaxeeya qabiilo isku haya maamulkiisa iyo mid kale oo dhexmaraya Al shabaab iyo ciidamada dowladda, oo ay taageerayaan AMISOM.

GAROWEONLINE

Related Articles

Hay’adaha Dowladda Soomaaliya oo laga mamnuucay in ay shirar ku qabtaan dibadda

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa fariintan ka sheegay Shirka Todobaadlaha ee Xukuumadda Federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 10:46AM

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM