​Diyaarad ku dhacday Garoonka Garbahaarey

Image

GARBAHAAREY, Somalia- Diyaarad nooca xamuulka qaada oo ay leedahay Jamciyadda Quruumaha ka dhaxaysa ayaa lagusoo waramayaa inay ku dhacday garoonka diyaaradaha Garbahaarey ee gobolka Gedo.

Diyaaradda ayaa la sheegay inay shixnad gargaar ah u waday dadka ku sugan Dolow oo ku dhow xadka ay wadaagaan Somalia iyo Kenya.

Lama oga sababta ay diyaaraddu u dhacday, waloow aysan ilaa hadda cid ka hadashay shilkaas.

Sawirro lagasoo qaaday diyaaradda ayaa muujinaysa bur-bur soo gaaray.

Lama oga khasaaraha ka dhashay diyaaradda oo shilkaas la kulantay xilli ay rabtay inay caga dhigato garoonka Garbahaarey.

Dhawaan ayay ahayd markii magaalada Muqdishu ay ku dhacday diyaarad laga leeyahay dalka Maraykanka oo rabtay inay cago dhigato madaarka Aadan Cadde.

Faah faahinta dib ayaan idiin kasoo gudbin doonaa

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM

Danjire Alper Aktaş: Amniga Soomaaliya waa nabad-gelyadda Turkiga

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya ayaa hadalkan sheegay maalin kadib soo bandhigida Markabka Turkiga.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:06AM