Doorashada Somaliya oo laga cabsi qabo iney dib uga dhacdo waqtigeedii

Image

MUQDISHU- Waxaa magaalada Muqdishu ka socda kulan u dhexeeya Guddiga doorashada Heer Federaal iyo xubno ka socda beesha caalamka kaasoo looga hadlayo jadwal cusub oo loo sameynayo doorashada wadanka Somaliya la filayo iney dhacdo dabayaqada sanadkaan.

Kulankaan ayaa wararka aan ka helyno sheegayaan in madaxda dowlada Federaalka [ Madaxweynaha Somalia iyo Ra'isal wasaare Cumar Cabdirashid] ka warqabin heerka uu marayo iyadoo wararku sheegayaan in beesha caalamka aad uga xumaatey in jadwalkii madaxda Somalida ku dajisay Baydhabo aan siduu ahaa loogu dhaqmin.

Wararka ayaa shwwgaya in kulan isugu imaanayaan madaxda Somalida asbuuca hore ee bisha August magaalada Muqdishu kasoo lagu soo bandhigi doono jadwalka cusub ee doorashada Somalia oo ay wada diyaariyeen Guddiga doorashada Heer Federaal iyo xubnaha beesha caalamka ee ku lug leh arimaha Somalia.

Warsidaha Garowe Online ayaa helaya warar sheegaya in ay suurtagal tahay in jadwalka cusub lagu soo bandhigi doono in xulista aqalka sare ee Barlamanka Somaliya laga soo hormarin doono midda aqalka Hoose madaama magacaabistiisu ku xiran tahay madaxweynayaasha maamul goboleedyada iyo barlamanadooda.

Madaxweynaha Somaliya iyo Ra'isal wasaarihiisa Cumar Cabdirashid ayaan faragalin badan ku laheyn go'aamada gudiigaan ka gaarayaan jadwalka cusub inkastoo ay soo magacaabeen xubnahaan.

Kulanka madaxda Somalida ee Muqdishu ayaa noqnaya midkii ugu dambeeyey oo ay ka yeeshaan qaabka doorashada Somalia loo qabanayo iyo heerarka ay mari doonto.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM