Farmaajo oo sharaxaad ka bixiyay safarkiisii Sucuudiga

Image

MUQDISHU, Somalia - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo shalay dalka dib ugu soo laabtay ka dib booqasho rasmi ah oo uu ku tagey dalka Boqortooyada Sucuudi Carabiya.

Madaxweyne Farmaajo oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyay Muqdishu, aan walaalaha nahay ee Sucuudiga ayaa la kulmay boqor Salmaan Bin Cabdicasiis iyo labadiisa dhaxal-suge isaga oo ka codsaday in ay dowladda Soomaaliya ka taageeraan dhinacyada horumarinta, kaabayaasha dhaqaalaha, qaadista xayiraadda ganacsiga xoolaha iyo gurmadka abaaraha.

Madaxweynaha oo warbaahinta kula hadlay xasfiiskiisa ayaa sheegay in dhammaan codsiyadii ay u bandhigeen dowladda Sucuudiga laga aqbalay, isaga oo intaas raaciyay in Ra’iisul Wasaaraha magacaaban ,looga fadhiyo marka la ansixiyo ka dib, inuu dhiso guddiyadii dhaqan-gelin lahaa qodobada la isla meel dhigay.

Qorshayaashii ay dowladda Soomaaliya hordhigtay Boqortooyada Sucuudiga waxaa kamid ahaa in la kabo miisaaniyadda dalka si loo bixiyo mushaaraadka ciidammada iyo shaqaalaha hey’adaha dowladda, dhismaha xarumo cusub oo ay hay’adaha Qaranku ku shaqeeyaan, garoon diyaaradeed oo cusub, dib u dhiska waddooyinka laamiyada ah ee isku xira magaalooyinka dalka iyo dib u hawlgelinta safaaraddii Boqortooyada Sucuudi Carabiya ay ku lahayd magaalada Muqdisho.

Dhanka kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si faah-faahsan uga hadlay shaqsiyadda Ra’iisul wasaaraha uu dhowaan magcaabay Mudane Xasan Cali Kheyre iyo waxyaabaha uu ku doortay.

“Sidaad la socotaan, Ra’iisul wasaaraha aan magcaabay laba maalmood ka hor Xasan Cali Kheyre, waa shaqsi leh aqoon maamul iyo mid bini’aadannimo, ahna xilligaan la joogo masuul ku habboon xaaladda dalka, waxa ugu muhiimsan ee aan u doortay Xasan in uu yahay shaqsi aan aaminsanahay inuu igula shaqeyn kara mabaadideyda iyo ammaanada ummadda Soomaaliyeed, sidoo kalena aan ka wada qeyb-qaadan karno la dagaallanka musuq-maasuqa” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha, ayaa ka codsadey Golaha Shacabka in ay si dhaqsi leh Kalsoonidooda u siiyaan Ra’iisul wasaaraha uu magcaabay, isla markaana ay garab istaagaan dowladda cusub ee la soo dhisi doono, si loo dardargeliyo howlaha adag ee hor yaalla dowladda.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dhowaan Barlamaanka la geyn doono miisaaniyad aad ugu ballaaran kuwii horey , maadaama ay dowladdu heysato ballan-qaadyo waa weyn oo wax badan ku soo kordhin kara miisaaniyadda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM