Soomaaliya: Maamullada oo ku dhawaaqaya Golle Iskaashi [XOG]

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Shirka Hogaamiyaasha mamaul goboleedyada dalka, uga socdo Kismaayo tan iyo maalintii Axad (8-da October), ayaa la filayaa in lasoo gaba-gabeeyo saacadaha soo aadan.

Madaxweyniyaasha Puntland, Galmudug, HirShabeelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, ayaa shirka dhamaadkiisa lagu wadaa inay soo saareen War Murtiyeed, ay uga hadlayaan go'aanada Kulankooda.

Warsidaha Garowe Online, ayaa ogaaday qaar kamid ah qodobada lagu heshiiyay, ee lasoo saarayo, kuwaasi oo ay ugu muhiimsan, Arrimaha Khaliijka, Xiisada Galmudug, Dastuurka iyo Golle cusub oo la sameeyay.

Khilaafka Galmudug - maamul goboleedyada waxay isku raaceen in ay dhex-dhexaadiyaan hay'adaha maamulkaasi iyo madaxda sare ee uu soo kala dhex-galay khilaafka wali taagan.

Arrimaha Khaliijka - Madaxweyniyaasha ayaa ku heshiiyay in wadahadal ballaaran, oo u dhaxeeya maamullada iyo dowladda dhexe laga yeesho arinta khaliijka, oo qaar iyaga kamid ah dhinac la safteen.

Gollaha Iskaashiga - Intii uu socda Shirka Kismaayo qodobka sida aadka ah diirada loo saarey, ayaa ah in maamul goboleedyada sameystaan Golle Iskaashi ah (Federal Member States Council).

F.G: waxaa laga yaabaa in qodobadan kor ku xusan ay wax iska bedelaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gaari Al-Shabaab saaran oo ku buufsan Astaanta NISA oo laga Celiyay Albaabka Villa Somalia

Weerarkan ayaa muujinaya halista ay kooxaha xagjirka ah weli ku hayaan caasimadda, inkastoo ay socdaan dadaallo ay dowladda Federaalka.

  • Soomaliya

    05-10-2025

  • 06:41AM

Maxaa kusoo kordhay Weerar Al-Shabaab ee Xabsiga Sirdoonka ee Godka Jilicow?

War rasmi ah oo ka soo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in dhammaan 7-dii weerarka qaaday la dilay.

  • Soomaliya

    05-10-2025

  • 05:25AM