Madaxweynaha Turkiga oo Muqdishu ka furaya saldhig ciidamo

Image

ANKARA, Turkey - Sida uu qoray Wargeyska Yeni Safak ee kasoo baxo Turkiga Madaxweyne Erdogan ayaa lagu wadaa inuu booqasha rasmi ah ku yimaado Bisha soo socoto magaalada Muqdisho.

Booqashada Erdogan ee Somalia oo ay ku wehliyaan Madax kale oo uu kamid ah Taliyaha ciidanka Turkiga Hulusi Akar ayaa ujeedkeeda waxa uu yahay inay xariga ka jaraan Saldhig military oo dowlada Turkiga ka dhisatay magaalada Muqdisho. 

Saldhiga military oo ku yaallo deegaanka Jazeera ayaa waxaa degi doono Ciidamada Turki ah oo lagu qiyaasay 500 oo Askari, kuwaasi oo tababar siin doono ciidanka qaranka Somalia. 

Dhisamaha saldhiga ayaa billowday Bishii Maarso ee sanadkii 2015-kii, waxaana ku kacay qiimo lacageed oo gaarayso $50 Million, waxaana ku dhex-yaalla Iskuulo military, Goobo loogu talo galay inay askarta seexdaan iyo Keydad hubka la dhigo. 

Baaxada Saldhiga uu Turkiga ka dhistay Muqdisho waxuu gaaraysaa 400 oo Hectare, waana saldhiga ugu weyn ee Turkiga ka samaysto qaaradda Africa. 

Booqashada Madaxweyne Erdogan ayaa noqon dooni midii saddexaad oo mudo 6 sano ah ku yimaado magaalada Muqdisho, waxaana markan kusoo beegmaysaa xilli abaar baahsan ay dalka ka jirto. 

Dalalka tageera wadanka Somalia inta uu burburka ku dhacey ayaa mid walba waxaa ay raadinayaan fursado kuwasoo ah dhinaca ciidamada, khayradaka dhulka iyo midka badaha ku jira.

Furitaanka saldhigaan ayaa ku soo beegmaya dhinaca kale xilli dowlada Imaraadka saldhig Militari ka sameysaneyso maamulka Somaliland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM

Danjire Alper Aktaş: Amniga Soomaaliya waa nabad-gelyadda Turkiga

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya ayaa hadalkan sheegay maalin kadib soo bandhigida Markabka Turkiga.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:06AM