​Madaxweyne Farmaajo oo la caleemo-saaray {Akhriso]

Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Madaxweynaha cusub ee Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta lagu caleemo-saaray magaalada Muqdishu kadib munaasabad ay soo xaadireen in kabadan 120 wakiil iyo madaxweynayaal kasocday beesha caalamka.

Caleemo-saarka oo ka dhacay xarunta Afisiyoone, waxaana sidoo kale joogay Madaxweynayaashii hore Somalia, Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh kuwaas oo ka jeediyay khudbado qiimo badan oo umadda Somaliyeed kula dar-daarmeen inay la shaqeeyaan dowladda cusub iyagoo rajo wanaagsan ka muujiyay marxaladda dalku marayo.

Waxaa sidoo kale Joogay Madaxweynayaasha Jabuti, Kenya iyo Ra'isal wasaaraha dalka Ethiopia kaasoo Muqdishu ka dhoofay xafladda oo socota.

Lama oga sababta Hailemariam Desalegn, uu u sugi wayay intay ka dhammaanayso munaasabadda, balse khudbad kooban uu jeediyay, wuxuu ku sheegay inay garab taagnaan doonaan Somalia islamarkaana wuxuu hambalyo u diray Madaxwyenaha cusub.

Madaxweynaha Kenya Uhurru Kenyatta ayaa isaguna sheegay inay diyaar u yihiin sidii Somalia ay uga caawin lahaa dhinacyada amniga iyo hormarka.

Halka Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, uu soo dhaweyay isbadalka siyaasadeed ee ka dhacay Somalia, wuxuuna Madaxweynaha cusub ka codsaday inuu ka faa'iidaysto taageerada shacabka oo wax-qabad ku badalo.

Geelle, ayaa sidoo kale soo hadal qaaday abaaraha ka jira Somalia, wuxuuna sheegay inuu waddamada gobolka kawada hadleen sidii qaylo dhaan xoog leh waddankan iyo dadkiisa loogu raadin lahaa.

Madaxweynaha cusub ee maanta la caleemo-saaray ayaa khudbad dheer oo uu jeediyay kaga hadlay arrimo ay kamid yihiin;

Amniga

Abaaraha

Cadaaladda

Dib-u heshiisiinta Beelaha Somaliyeed

Kor u qaadista kalsoonida shacabka

Saboolnimada

Dhaqaalaha

Jihaynta Dhalinyarada

Hannaanka Federaalka

Iyo Siyaasadda Dibadda.

Xaaladda Magaalada Galkacyo ayuu ugu hormariyay, wuxuuna sheegay in doorashadiisii ay keentay in shacabka magaaladaas si nabad ah isaga kala gooshaan oo ay furaan xuduudihii xirnaa, wuxuuna sheegay inuu ka shaqayn doono sidii umadda Somaliyeed loo dhex-dhigi lahaa nabad-waarta.

Wuxuu Madaxdii ka horaysay uga mahad-celiyay dadaalkii ay ku bixiyeen nabadda Galkacyo isagoo sheegay inuu ku faraxsanyahay in degmadaas ka filayaan inay noqon mid loogu wada noolyahay qaab nab-doon.

AMNIGA;

Madaxweynaha Somalia, ayaa sheegay in amniga Somalia ay ka shaqayn doonaan islamarkaana dib u habayn ku samayn doonaan ciidamada qaranka isagoo ballan-qaaday inay meel saari doonaan Mushaharkooda iyo Agabkooda intaba.

Kooxda Al Shabaab ayuu sheegay inay tahay caqabada hortaagan hormarka dalka, wuxuuna xusay in dowladdiisu aysan u dul qaadan doonin kooxaha dhibaatada ku haya shacabka.

AMISOM, ayuu uga mahad-celiyay sida ay usoo caawiyeen dowladda Somaliyeed, isagoo dalalka taageera howlkan ku ammaanay siday u dhinac istaageen shacbiga.

ABAARAHA;

Farmaajo, wuxuu sheegay in abaaraha ka jira shacabka iyo dowladdu iska kaashan doonaan islamarkaana u samayn doonaan qorshe looga hortagayo abaaraha soo laab-laabtay, wuxuuna codsaday in la caawiyo bulshada tabaalaysan.

CADAALADDA;

Madaxweyne Farmaajo, wuxuu sheegay in dowladda Somalia ay kor u qaadi doonto cadaaladda islamarkaana sharcigu noqon doono midkii sarreeya, wuxuuna intaas ku daray in muhiimaddu tahay cadaalad deeqda dadka.

Arrimaha, Kor u qaadista kalsoonida shacabka, Saboolnimada, Dhaqaalaha, Jihaynta Dhalinyarada, Hannaanka Federaalka, Iyo Siyaasadda Dibadda, wuxuu sheegay in dowladdiisu u dajin doonto qorshayaal kala duwan kuwaasoo xal u noqon doona dhibaatooyin baahsan oo dalka ka jira.

SOMALIA IYO SOMALILAND;

Mar Madaxweyne Farmaajo soo hadal-qaaday Wada-hadalka Somalia iyo Somaliland, wuxuu sheegay inay tahay qorshe wanaagsan oo ay bilowday dowladdii ka horaysay, wuxuuna ballanqaaday in xukuumadda uu hogaamiyo sii wadi doonto.

Inkastoo uusan si faah faahsan uga hadlin hadana mudane Farmaajo ayaa sheegay in wax walba wada-hadal lagu xallin doono.

Madaxweynaha ayaa u mahad-celiyay dhammaan cid kasta oo qay ka qaadatay meesha Somalia hadda joogto, wuxuuna xusay inay wada-shaqayn toos ah yeelan doonaa maamullada dalka oo xusay inay noqon doonaan Baallasha dowladda Federaalka halka xukuumadda dhexe noqon doonto Indhihii hagi lahaa.

Wufuuddii timid qaybtood ayaa Muqdishu ka dhoofay, halka kuwo kale shirar iyo kulamo la leeyihiin Madaxweynaha Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM

Danjire Alper Aktaş: Amniga Soomaaliya waa nabad-gelyadda Turkiga

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya ayaa hadalkan sheegay maalin kadib soo bandhigida Markabka Turkiga.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:06AM