Madaxweynihii hore ee Somalia oo ka baaqdey Jowhar, Gaas oo raaci lahaa

Image

MUQDISHU, Somalia- warar warsidaha Garowe online ka helayo Ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in madaxweynihi hore ee Somalia, Madaxweynaha Puntland iyo Jubaland ka baaqdeen Safar ay maalintii shaley ku tagi lahaayeen magalaada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe.

Safarka madaxweynahii hore ee Somalia ee  Jowhar ayaa la xiriiranayaa sidii maamulka gobolada Hiraan  Iyo Shabeelaha dhexe loo dhisi lahaa inta aan la gaarin doorashada Bisha October 30.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxwynihii hore ee Somalia ka dalbadey Madaxweynayaasha maamulada Puntland iyo Jubaland qayb ka noqdaan sidii looga dhaadhicin lahaa Qabaa'ilka goboladaas sidii maamul u dhisan lahaayeen inta uusan xafiiska baneyn taasoo ka caawineysa dib u doorashadiisa.

Baaqashada safarkaan ayaa wararka aan ka heleyno dadka Degaanka sheegayan iney sababtey kadib markii la diyaariyey mudaharadayo xoogan oo lagu diidan yahay booqashadaan.

" Madaxweynihii hore ee Somalia uma laha sharciyan awood uu ku dhiso maamul u dhexeeya gobolada Hiraan iyo Shabeelaha dhexe, dadka degaankaan iyagaa aayahooda ka tashanaya marka wadanka Somalia loo doorto dowlad sharciyad haysata." Sidaas waxaa yiri mid kamid ah odayaasha degaanka oo la hadley GO.

Urur goboleedka IGAD ayaa isku daygii ugu dambeeyey ku guuldareyatey in kulan lagu dhisayo maamul labada gobol uu dhiso kadib markii odayaasha Hiraan diideen kasoo qayb galka shirkaan oo lagu qaban lahaa magalaada Jowhar.

Booqashada magalaada Jowhar ee  Madaxweynayaasha maamulada Puntland iyo Jubaland ayaa imaaneysa xilli madaxweynaha xilka ka dhamadey ku jiro ololihiisa doorasho kasoo ku raadinayo in dib loogu doorto xafiiskaan.

"Madaxda maamulada ayaa dhamaantood shuruucda loo dajiyey nidamka doorasho ee Somalia waxay ku waafaqeen madaxweynaha Waqtigiisu dhamadey iyo kooxdiisa siyaasdeed kuwasoo laga xasuusan karo hab-qaybsiga qabiilka 4.5 iyo xil kordhinta loo sameeyey Xasan Shiikh markii uu dhamadey xilka xafiiska 10 Sept, 2016"  sidaas waxaa GO u sheegey siyaasi ku sugan Muqdishu oo la socda arimaha doorashada Somalia. 

Madaxweyne Gaas oo magalaada Muqdishu ku sugnaa muddo Toban Cisho ah ayaa la filayaa in maanta dib ugu soo noqdo Puntland.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM