Maxaa kusoo kordhay Khilaafka Galmudug?

Image

CADAADO, Soomaaliya - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Khilaafka Siyaasadeed, ee u dhaxeeya Madaxda sare ee maamulka Galmudug, kaasi oo ka dhashay Go'aankii Madaxweyne Xaaf ku taageeray Xulufada Sacuudiga.

Illo-wareedyo kuu sugan Cadaado, ayaa Warsidaha Garowe Online u sheegay in Ciidamo aan ka amar qaadan maamulka Galmudug inay soo galeen magaalada kuwaasi oo ay kala wataan Siyaasiyiinta iska soo horjeeda.

Xaaladda ayaa kacsan, oo waxaa soo gaaraya magaalada Malleeshiyaad kala duwan, oo qaarkood ka yimid dhanka magaalada Gaalkacyo, ee xarunta gobolka Mudug, iyadoo horey kuwa kale u joogeen gudaha Magaalada.

Magalaada Cadaado ayaa waxaa ku sugan Axmed Shariif Cali Hilowle oo horey ula tartamey Madaxweyne Xaaf balse damacsan in khilaafkaan uga faa’ideysto in talada maamulka dib u qabsado.

Axmed Shariif Cali Hilowle ayaa haysta tageerada dowlada Federaalka oo tageertey xil ka qaadis la sheegey in lagu sameeyey Madaxweyne Xaaf.

Senataro uu ku jiro Cabdi Qeybdiid, ayaa ku sugan maalmahan Cadaado, kuwaasi oo dhex-dhexaadinaya Madaxda Galmudug, ee Khilaafka xooggan uu dhaxeeyo, iyagoo isku dayaya inay qaboojiyaan Xaaladda kacsanaanta ah.

Xildhibaanada Galmudug, ayaa sidoo kale lagu wadaa inay maanta yeeshaan Kulan gaar ah, kaasi oo ajandihiisu yahay ka doodista Mooshin la sheegay inuu ka yaalla Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug, Cali Gacal Casir.

Khilaafka waxa uu u dhaxeeya Madaxweyne Xaaf iyo Gudoomiyaha Baarlanaanka iyo Madaxweyne ku xigeenka oo isku dhinac ah, kuwaasi oo doonaya in Galmudug ay dhex-dhexaad ka noqoto Xiisada Khaliijka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Xamse oo ogolaadey hub loo diray Laascaanood, xilli cabsi laga qabo dagaal

Arrintan ayaa sii hurinaysa khilaafka sii fidaya ee u dhexeeya maamulka Puntland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    06-07-2025

  • 01:50PM

Ciidamo gadood ka sameeyay Muqdisho iyaga oo ka cabanaya mushaar la’aan

Dhacdadan ayaa muujinaysa heerka ay gaarsiisan tahay niyad-jabka iyo tabashada gudaha ciidanka dowladda.

  • Soomaliya

    06-07-2025

  • 01:14PM