Yaa Doonayay Inuu Dilo Taliye Shub? Xogta Uu Ka Bixiyay Duqeyntii Doolow
DOOLOW — Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, General Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo loo yaqaan Taliye Shub, ayaa faahfaahin ka bixiyay duqeyntii lagu qaaday gurigiisa magaalada Doolow ee gobolka Gedo, isaga oo sheegay in weerarka lagu fuliyay laba gantaal.
Shub ayaa sheegay in weerarku dhacay xilli uu hurday, ayna labada gantaal ku dhaceen qayb ka mid ah guriga uu ku sugnaa. Wuxuu sheegay in qaraxu uu sababay burbur xooggan, isaga iyo dadkii kale ee guriga ku sugnaana ay si degdeg ah uga baxeen goobta.
Wuxuu sheegay in isaga uu dhaawac fudud ka soo gaaray qaraxa, halka qof dumar ah lagu dilay, dhowr qof oo kalena ay ku dhaawacmeen. Dadkii dhaawacmay ayaa sida uu sheegay loo qaaday Isbitaalka Doolow si loogu daweeyo.
Taliye Shub ayaa sheegay inuu rumeysan yahay in weerarka ay fulisay diyaarad ay leedahay Türkiye. Wuxuu sheegay in diyaaradda uu arkay xilliga weerarka, isaga oo sidoo kale sheegay inuu hayo xog uu ku saleynayo shakiga ku saabsan cidda ka dambeysay duqeynta.
Waxa uu sidoo kale sheegay inuu ka shakisan yahay in xog ku saabsan goobta uu ku sugnaa loo gudbiyay dhinacii weerarka fuliyay. Shub ayaa si gaar ah u xusay nin uu sheegay inuu ahaa darawalkiisa, kaas oo uu hore uga shakisanaa, isagoo sheegay in ninkaasi uu ku sugnaa guriga xilliga weerarka.
Shub ayaa sidoo kale eedeymo u jeediyay qaar ka mid ah mas’uuliyiinta dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Gudoomiyaha Gollaha Shacabka C/qaadir Maxamed Nuur Jaamac, Mahad Salaad iyo Aadan Madoobe, isagoo ku sheegay inay ku lug lahaayeen weerarka. Eedeymahaas ayaa ah sheegasho uu sameeyay Shub, mana jirto xaqiijin madax-bannaan oo caddeyneysa.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hore u diiday in dhacdada Doolow ay ahayd duqeyn diyaaradeed, iyadoo sheegtay in xog horudhac ah ay muujinayso in qaraxu ka dhashay walxo qarxa oo goobta ku jiray. Dowladda ayaa sheegtay in baaritaan lagu sameyn doono dhacdada iyo cidda ka dambeysay.
Dhacdada ayaa sii xoojisay muranka ka dhashay duqeyntii Doolow, iyadoo eedeymo iska soo horjeeda laga soo kala jeediyay dhinacyada ku lugta leh, halka Türkiye aysan si rasmi ah u qaadan mas’uuliyadda weerarka.
GAROWE ONLINE