Mudug: Al Shabaab oo qabsatay deegaanka Ceel-huur

Image

HOBYO, Somalia- Mallayshiyaad katirsan xarakada Al Shabaab ayaa la wareegay gacan ku haynta deegaanka Ceel-huur oo katirsan degmada Hobyo ee gobolka Mudug gaar ahaan dhinaca Galmudug.

Ceel-huur ayaa 40KM dhinaca Koonfurta kaga beegan degmada Hobyo halkaas oo ay ku xooggan yihiin kooxda xiriirka laleh Al Qaeda.

Is-gaarsiinta degmada Hobyo nawaaxigeed ayaa la jaray, waxaana adag in la helo wararka ku saabsan la wareegista Al Shabaab ee deegaanka Ceel-huur.

Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa GO u sheegay in mallayshiyaad katirsan kooxda Al Shabaab oo wata baabuur tiro badan ay gudaha u galeen deegaankaas iyagoo dab qabadsiiyay guryo iyo xarumo ganacsi oo ay lahaayeen dad shacab ah.

Lama oga ujeedka ay u gubeen, balse waxaa loo malaynayaan inay dadka iska lahaa ku tuhmeen inay wada-shaqayn hoose la leeyihiin ciidanka dowladdda iyo kuwa maamulka Galmudug.

Xaaladda deegaanka Ceel-huur ayaa iminka dagan, balse waxaa barakac xoog leh kasocda degmada Hobyo halkaas oo loo malaynayo inay kusoo wajahanyihiin mallayshiyaad katirsan Al Shabaab.

Wararka aan helayno ayaa sheegaya in kooxda qabsatay deegaanka Ceel-huu ay kasoo amba-baxeen dhinaca Xarar-dheer halkaas oo muddooyinkii dambe ka jirtay cabsi ku aadan inuu dagaal ku dhex-maro Al Shabaab iyo ciidamo huwan ah oo fariisin kasamaystay deegaanka Camaar, waloow howlgalkaas mar dambe la baajiyay oo ciidamadii fulin lahaa dib uga soo laabteen sababo aan la shaacin.

Gobolka Mudug qaybta ay maamusho Galmudug, waxaa gacanta ku haya kooxda Al Shabaab kuwaasoo dhibaato kala duwan ku haya dadka shacabka ah, taasoo keentay inay dhowr jeer dagaalamaan.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhinaca maamulka Galmudug oo ku aadan qabsasha deegaankaasi katirsan degmada Hobyo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM

Danjire Alper Aktaş: Amniga Soomaaliya waa nabad-gelyadda Turkiga

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya ayaa hadalkan sheegay maalin kadib soo bandhigida Markabka Turkiga.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:06AM