​MUQDISHU: Xoolo Is-cunay kadib markii laga soomiyay Baad iyo Biyo [Daawo]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Wararka aan ka helay duleedka magaalada Muqdishu caasumadda Somalia, ayaa sheegaya in niman ganacsato ah xero ku taal halkaas ku xabiseen in kabadan kun neef oo Lo' ah muddo kabadan 20 casho.

Xoolahaas ayaa la sheegay inaysan jirin cid siin jirtay Biyo iyo Cunto intaba, balse la duugi jiray bakhtiga kii dhinta.

Qaar kamid ah dad booqasho ku tagay xeradaas ayaa GO, u xaqiijiyay inay ku arkeen goobtaas arrin laga naxo oo ay ugu daran tahay Lo'daas oo cunaysa bakhtiga kuwa dhintay.

Duunyadan ayaa wararku xusayaan inay iska leeyihiin Masaari kuwaasoo kasoo celiyay dalalka Carabta. Lamana oga sababta Muqdishu loo keenay iyadoo la xaqiijiyay inay ku jiraan ilaa Saddex Xarumood oo kale.

Bulshada Somaliyeed ayaaa ku tiirsan xoolaha nool, waxaana wararka aan ka helnay Lo'daas sheegayaan in laga soo celiyay dalalka carabta islamarkaana ku jiraan saddex Xero oo ku taal dalka Somalia.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhinaca maamulka gobolka Banaadir iyo sidoo kale wasaaradda Xannaanada xoolaha Somalia kuwaasoo muujinaya inay ku fashilmeen xilalkii loo dhiibay.

Dhacadadan ayaa dadku sheegayaan inay tahay tii ugu xumayd ee lagu arko gudaha Somalia.

In baaha'imka laga xanibo daaqa, waxaa ka dhalata caro EEBBE sida horay diintu u sheegtay iyadoo qisooyin la wariyay cadeeyeen in haweenay bisad ka af-xirtay cuntadii iyo baad-kii ay mutaysatay Cadaabka ALLE.

Dhacdadan, ayaa kusoo aadaysa xilli dalka Somalia ay ka jirto abaar xooggan oo gabaabsi galisay duunyadii ay dhaqan jireen shacabka Somaliyeed, waxaana hadda socda dadaalo loogu gurmanayo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM