​QM "Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ayaa dilay 92 qof oo shacab ah"

Image

Warbixin cusub oo ay soo saartay QM ayaa lagu sheegay in ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM ay afartii bilood ee lasoo dhaafay dileen 92 qof oo shacab ah.

Khudbad Xogyaha Guud ee QM ka jeediyay Golaha amniga, ayuu ku sheegay in ciidamada dowladda Somalia ay dileen 55 qof, halka AMISOM ay 37 ruux ka dambeeyeen dilkooda gudaha dalkaasi.

QM waxay sheegtay in AMISOM ay jebisay xeerarka Xuquuqul insaanka iyo sharciyada bini'aadanimada, kadib markii ay ciidamada howlgalka Somalia ay si bareer ah u dileen dad badan oo shacab ah.

Warbixinta oo ka kooban 20-Bog, ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in amniga qeybo badan oo kamid ah Somalia uu sii xumaanayo, sababtuna ay tahay ciidanka oo mushaar la siinin muddo ka badan hal sano.

Jamciyadda Quruumaha ka dhaxaysa, ayaa sidoo kale tilmaamtay in Al Shabaab ay kordhisay qaraxyada  ay ku doonayso inay ku carqaladayso doorashada socota iyo inay khal--khal geliso nolosha shacabka Soomaaliyeed.

"Koonfurta iyo bartamaha Somalia, Al shabaab waxay xoojisay weeraradeeda ka dhanka ah ciidamada dowaladda Somalia iyo AMISOM, iyadoo dib ula wareegtay deegaanno dhowr ah,"Sidaas ayaa lagu xusay warbixinta QM.

Amni darrada Somalia:-

Dib u dhaca Mushaarka ciidamada dowladda Somalia ayaa keenay amni darrada Somalia, sida lagu sheegay Warbixinta UN-ka.

"Mudo 13 bilood ah Militariga Somalia ma helin mushahar, halka Booliska aysan helin 15 bilood, waxaana taasi keentay inay u goostaan qaar dhanka Al shabaab iyo inay kasoo baxaan goobaha ay joogaan,"Ayuu hadalkiisa ku daray Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Waxay intaasi ku daraysaa khudbaddaas in dowladaha bixiya mushaarka ciidamada dowladda dhexe iyo 1,000 askari oo maamulada dalka Somalia katirsan ay helaan gunooyin yar oo aan kaafin noloshooda.

Ciidamada AMISOM oo aan la siinin mudo 8 bilood ah ayaa keentay inay dalka Burundi oo ciidankiisa kala baxo Somalia, waxaana taasi laga baqayaa in Al shabaab dib ugu soo laabato goobihii laga saarey 6 sano ee lasoo dhaafay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM

Danjire Alper Aktaş: Amniga Soomaaliya waa nabad-gelyadda Turkiga

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya ayaa hadalkan sheegay maalin kadib soo bandhigida Markabka Turkiga.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:06AM