Senator: Khilaafka jira wuxuu ka dhashay go'aankii DF ee Xiisada Khaliijka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Senator Mahdi Daahir Shiikh Nuur oo kamid ah Gollaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay khilaafka u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada dalka.

Isagoo ka hadlayay Doodii shalay ka dhacday Aqalka Sare, Senator-ka wuxuu sheegay in asalka khilaafka jira uu ka dhashay go'aankii dhex-dhexaadnimada ay dowladda Federaalka ka qaadatay xiisada khaliijka.

"Khilaafkaan asalkiisu halkee buu ka yimid? Dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada way wada shaqeynayeen, dhibaataa soo dhex-gashay, oo ka timid Khilaafka khaliijka," ayuu yiri Mahdi Daahir.

"Mushkiladu waxay timid markaan dhex-dhexaadnimada sheeganay, dowladda waxay awooday inay ka aamusto oo aysan dhex-gelin xiisadaha khaliijka, dhex-galkeedii waxuu sababay in dowladihii Soomaaliya saameynta ku lahaa sida Sacuudiga iyo Imaaraadka inuu khilaaf na dhexgalay," ayuu yiri Mahdi Daahir.

Senator-ka ayaa tilmaamay in dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraadka carabta ka dhaxeeyo Soomaaliya xiriir xoog leh, oo taariikhi ah, islamarkaana ay ku nool yihiin Soomaali badan oo ganacsi ku leh.

"Sacuudiga waxaana la leenaya Taariikh dheer oo xagga Diinta ah, waxaad la socotiin in Axmed Gurey uu u dilay Vasco Digama, isagoo difacaya Xarameynka," ayuu yiri Xildhibaanka.

Wixii xusay in marka laga soo tago Xiriirka Diinta, in dhoofka ugu weyn Soomaali ee ah Xoolaha nool in loo iib-geeyo dalka Sacuudiga, waxaana wadankaasi ku nool oo ka shaqeysta Soomaali badan.

Sidoo kale, Senator Mahdi wuxuu ka hadlay Xiriirka Imaaraadka Carabta, oo uu ku tilmaamay in ay tahay dowladda ugu ballaaran ee maalgashiga ku sameeysay Soomaaliya, islamarkaana ka fulisey mashaariicda ugu badan.

"Mashruucii Mareerey ee Sonkorta oo naga burburay kaasoo ahaa 500 milyan, Imaaraadka ayaa maal-geliyay, wadada Burco iyo Berbera iyaga ayaa maal-geliyay, diyaaradii ugu horeysay oo Soomaali yeelato oo Boeing ah waxaa na siiyay Imaaraadka, mashruucii Gosha iyoo Gendiga ee lagu talaalay Xoolaheena iyagaa maal-geliyay, Mashaariicdan Dekedaha Berbera iyo Boosaaso iyagaa maal-geliyay," ayuu hadalkiisa raaciyay Senator-ka.

Senator Mahdi ayaa sheegay in masharaciida Imaaraadka ka fuliyay Soomaaliya oo ku kacday lacag gaaraysa Hal Bilyan iyo Shan Boqol oo Milyan oo Doolaar, taasina ka  dhigan tahay inaysan jirin dowladd ka horeysay Imaaraadka oo intaasi masharuuc ah ka fulisay dalka.

"Cid Soomaali intaasi u qabatay ma jirto, in il gaar ah lagu eego Imaaraadka horta way haboonayd, oo lala safto," ayuu Xildhibaanka raaciyay hadalkiisa.

Wuxuu soo dhaweeyay qaraarkii dowlad goboleedyada ay kula safteen Sacuudiga iyo Imaaraadka.

Dhanka kale, wuxuu ka hadlay Xildhibaanka arrimaha maalgashiga Shirkadaha Imaaraadka ee Dekedaha Berbera iyoo Boosaaso, kuwaasi oo ku amaanay inay yihiin kuwa caalami ah, oo wax badan kusoo kordhin kara dhaqaalaha dalka.

halkan ka dhageyso Doodii Gollaha Aqalka Sare ka yeeshay Khilaafka ka jira dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM

Danjire Alper Aktaş: Amniga Soomaaliya waa nabad-gelyadda Turkiga

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya ayaa hadalkan sheegay maalin kadib soo bandhigida Markabka Turkiga.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:06AM