​Somalia: Dagaal khasaaro geestay oo ka dhacay gobolka Bakool

Image

XUDUR, Somalia - Ugu yaraan 5 qof ayaa ku dhimatay, 12 kalena way ku dhaawacmeen dagaal culus oo Ciidamada dowladda FS iyo Al shabaab ku dhexmaray gobolka Bakool.

Saraakiisha Ciidamada ayaa sheegay in dagaalka uu yimid markii Al shabaab ay weerar kusoo qaadey saldhigooda deegaanka Ceel-lahelay, oo ku dhawaad 20KM dhanka galbeedka uga beegan magaalada Xudur.

Dagaalyahanada Al shabaab ayaa Saldhigga ka weeraray dhowr jiho, iyagoo adeegsanaya Qoryaha daran-dooriga u dhaca, Baasuukiyaal iyo Bambooyinka gacanta.

Weerarka ayaa isku bedelay dagaal toos ah, oo socdey mudo ku dhaw Hal saac, kaasi oo galaaftey nolosha ugu yaraan 5 qof oo labada dhinac ah, iyo dhaawaca 12 ruux 0o kale.

Ma jiraan khasaarooyin shacabka deegaanka Ceel Lahelay kasoo gaarey Dagaalka.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay maamulka Koonfur Galbeed iyo Al shabaab oo ku aadan Dagaalka ka dhacay duleedka magaalada Xudur, ee xarunta gobolka Bakool.

GAROWEONLINE

Related Articles

Hay’adaha Dowladda Soomaaliya oo laga mamnuucay in ay shirar ku qabtaan dibadda

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa fariintan ka sheegay Shirka Todobaadlaha ee Xukuumadda Federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 10:46AM

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM