Somalia: Madaxweyne Farmaajo oo ku wajahan Baydhabo

Image

BAYDHABO, Somalia- Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ayaa ku wajahan saacadaha soo socda magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Wasiirro dhowr ah oo katirsan Xukuumadda, oo ay kamid tahay Dr Maryan Qaasim, wasiirka gargaarka iyo maareynta masiibooyinka ayaa ku wehliya Madaxweyne Farmaajo socdaalkiisa Baydhabo.

Wararka aan Baydhabo ka helayno waxay sheegayaan in aad loo adkeeyay amniga magaaladaasi iyo wadada isku xirta Garoonka Diyaaradaha Shaati-Gaduud iyo Madaxtooyada maamulka Koonfur Galbeed.

Waxaa sidoo kale garoonkaas kasocday fantasiyo baaxad leh oo lagusoo dhaweynayo Madaxweyne Farmaajo.

Ujeedka safarka Madaxweynaha Somalia ayaa lagu sheegay inay ku qotonto u kuurgalista xaaladda abaarta iyo amniga Koonfur Galbeed, waxaana kulan arrimahaasi ku saabsan la qaadan doonaa Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Waa booqashadii ugu horeysay oo uu Mudane Farmaajo ku tago degmo katirsan Somalia, tan iyo markii lagu doortay Muqdishu sideeda bishii February ee sanadkan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Mareykanka oo joojiyay raashiinka uu siin jiray ciidamada Danab

Go'aankan ayaa waxa uu ka dhashay markii madax sarre ay leexsadeen garaamkii loogu talagalay kumaandooska.

  • Soomaliya

    26-04-2024

  • 08:26AM

Villa Soomaaliya oo fahfaahisay safarka Xasan Sheekh ee Tanzania

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka qeyb-geli doona sannad-guurada 60-aad ee midowga iyo qarannimada dalka Tansaaniya.

  • Soomaliya

    26-04-2024

  • 08:15AM