​Wafdi katirsan dowladda Somalia oo Garay Hobyo Mudug

Image

HOBYO- Waxaa maanta magala xebeedka Hobyo gobolka Mudug gaaray wafdi uu hogaaminayo wasiirka Arrimaha Gudaha xukuumadda Federalka Somalia Cabdiraxmaan Maxamed Xusen "Odowaa", kuwaas oo qorshahoodu ahaa dhawr arrimood oo ay kamid tahay wada-xaajoodka Ahlusunna iyo Galmudug.

Mas'uuliyiinta oo soo dhaweyn loogu sameeyay degmada Hobyo, ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha Galmudug Cabdikariim Xuseen Gulleed, iyagoo kala hadlay qaabkii loo hormarin lahaa degmada islamarkaana loo xoojin lahaa ammaankeeda. 

Waxay kale oo ay isla soo qaadeen arrinta maamulka Ahlusunna Waljaamaca iyagoo tilmaamay inay muhiim tahay qaabkii loo dardar galin lahaa wadahadalka labada dhinac.

Madaxweynaha Galmudug ayaa todobaadkan tagay degmada Hobyo isagoo qorshihiisu ahaa qaabkii dayactir iyo ballaarin loogu samayn lahaa dekedda magaladaas. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM

Danjire Alper Aktaş: Amniga Soomaaliya waa nabad-gelyadda Turkiga

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya ayaa hadalkan sheegay maalin kadib soo bandhigida Markabka Turkiga.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:06AM