Xildhibaan Shirqool ku tilmaamay shirka London

Image

MUQDISHU, Somalia- Xilli bisha soo socota lagu wado magaalada London ee dalka Ingiriiska inuu ka dhaco shir looga hadlayo arrimaha Somalia, ayaa waxaa soo baxay faalooyin ku aadan kulankaas iyo ujeedada ka dambaysa.

Sida uu qabo mudane katirsan Barlamanka Somalia, shirka London ayaa ah qorshe lagu hagar-daaminayo midnimada dalka iyo dhismaha ciidanka Qaran ee loo ballansanaa in la sameeyo.

Xildhibaan Mahad Salaad, ayaa qaba in kulanka caasumadda Ingiriiska uu yahay damin Somalia ka bad-baaday 57 sano ka hor, sida uu ku faah faahiyay qoraalkan hoose;

Shirka London ee loo balansanyahay horaanta bisha May waxaa lagu soo go’aamin doonaa in Soomaaliya aysan yeelan Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya (Military). Iyada oo Madaxda Qaranka iyo Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyadu isku raaceen shirkii Madasha ee Mogadishu lagu qabtay 15 – 16 April 2017 inla baabi’iyo Ciidanka Military ga ee hada jira. Lana dhiso 18,000 askari oo ka imaan doona kuna ekaan doona xuduudaha isla maamulada ay ka imaanayaan. Kuwaas oo loo qaybsanayo sida soo socota:

1. Puntland 3,000

2. Galmudug 3,000

3. Hirshabelle 3,000

4. Banaadir 3,000

5. Koonfur Galbeed 3,000

6. Jubaland 3,000.

Taasi micnaheedu waxay tahay inaysan jiri doonin mustaqbalka dhaw iyo midka fogba Ciidan Soomaaliyeed oo Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed difaaca. Midaas badalkeedana Soomaaliya loo sameynayo Ciidamo Booliis ah oo Dowlada Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada  canshuuraha gudaha u qaada, saldhigyada u ilaaliya, tuugada guryaha usoo dhacdana soo xira.

Waxa loo socdana waxa ay tahay “Soomaaliyada Cusub oo ka koobnaan doonta maamulo leh xuduudo gudaha ah oo kala qo’qoban, aanan lahayn Ciidamo difaaca Xuduudaha Dalka, Midnimada iyo Madaxbanaanida Soomaaliya”.

Taasoo ka dhigan inla rabo in Soomaaliya lagu rido dabinkii  ay diiday 1960 kii markii ay xornimada qaadatay. Waxaan dhihi karaa hadii sidaan wax u dhacaan waa nasiib daro Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed usoo hoyatay.!

Dagaalkii Ahmed Gurey, Darwiish ka iyo Leegadii, Baarliin dabinkii la dhigay, intaa waa ina daba socdaanee dantey naga leeyihiin iyo waxaan dooni kala fogaa.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM

Danjire Alper Aktaş: Amniga Soomaaliya waa nabad-gelyadda Turkiga

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya ayaa hadalkan sheegay maalin kadib soo bandhigida Markabka Turkiga.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:06AM