Somaliland oo dib uga noqtey Kaniisad dib looga furey magalaada Hargeysa

Image

HARGEYSA, Somaliland- Somaliland waxay ka laabatay Kaniisadii laga furay Hargeysa, Qoraal kasoo baxay Wasaarada Diinta iyo Awqaafta waxaa lagu yiri:- 

“Xukuumaddu iyadoo ogsoon, isla markaana ku baraarugsan masuuliyada iyo waajibaadka dastooriga ah ee ka saaran ilaalinta diinta iyo mabaadi’da islaamka .

Iyadoo ku dhaqmaysa sida uu qabo qodobka 5aad ee dastuurka qaranka in aanu sinaba loo dhaqan galin Karin wax kasta oo ka hor imanaya shareecada islaamka.

Iyadoo tixgalinaysa tolooyinka iyo baaqyada ay soo jeediyeen culimada waaweyn ee dalka

Iyadoo tixgalinaysa dareenka bulshadda iyo baaqyada ugu iminaya shacabkeeda waxa la isla gartay go’aankan hoos ku qoran:

1. In aanay jirin wax heshiish ah oo ay xukuumadu la gashay cidnaba oo ku saabsan arinta kaniisadda.

2. In kaniisada muranka dhalisay ay u xidhan tahay sidii awalba u xidhnayd mudadii ahayd 30 sanno ee u dambeeyey.

Dhinaca kale, culimadda waaweyn ee Somaliland oo uu hor kacayo Sheikh Maxamed Sheekh Cumar Dirir ayaa xalay bayaan ka soo saaray in aan la furin Karin Kaniisadaasi,isla markaana ay shareecado ogolayn in dal muslim ah laga dhex furo Kiniisad.

Culimaddu waxay soo saareen toban qodob waxaanay kala ahaayeen sidan:

1.Waxaa shareeco ahaan reeban oo aan banaaneyn in dal Islaam ah laga dhiso kaniisad iyo wixii la mid ah ee ay gaalo wadato ee islaamka lidi ku ah.

2. marka aynu ognahay in kaniisadda Kaataliga ee magaalada Hargeysa ku taalo gumaystii Ingiriisku ku dhisay sharci daro iyo jujuub ma banaana in dayac tir lagu sameeyo oo la hawlgaliyo.

3. Waxa reeban in umad muslim ah dhexdeeda lagu fidiyo diin aan islaam ahayn.

4. Wax maslaxad aduunyo iyo aakhri toona oo ummadda Somaliland ugu jirta kaniisad dhexdooda laga dhisa ma jirto.

5. Looma cuskan karo daliilna uma ah in laga furo kiinisad wadamada gaalada waxa ka jira masaajido iyo xarumo islaamku leeyahay maxa yeelay islaamku waa diinta xaqa ah ee alla raali ka yahay oo bedelay dhamaan diimihii hore.

6. arrimahaasi awgood, waxaan xukuumada Somaliland ka codsanaynaa inay ka noqoto wixii heshiish ay gashay ee ay la gashay hay’ado iyo cid gaar ah oo ku saabsan kiniisada hadii ay jiraan.

7. waa in hay’adaha waxbarashadda dalka iyo kuwo samafalku ay iska ilaaliyaan oo aanay hawlgalin cid kasta oo wadata ujeedo guracan sida diin aan ahayn islaam fidinteedda iyo dhaqan xumo.

8. umadda reer Somaliland waxaanu dareen siinaynaa in lagama maarmaan tahay dantooduna ku jirto midnimada , wada jirka, iyo xasiloonida wadankoodda.

9. waxaanu ugu baaqaynaa umada Somaliland in la ilaaliyo nabadgalyada lagana foojignaado wax kasta oo khalkhal galin kara nabadgalyada iyo xasiloonida.

10. Wixii la xidhiidha aririmo dhinaca Diinta waa inay ka qaataan culimada ay yaqaanaan ee u taagan faafinta diinta islaamka".

** Qaraalkan waxaa ku saxiixan Wasiirka Diinta iyo Aw qaafta Somaliland, Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM