Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Image
Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

Muqdisho, Soomaaliya - Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Abwaan Maxamuud Maxamed Ibraahim oo loo yaqaano (Jeesto) oo ka mid ah suugaanleyda Somaliland kuna suganaa Muqdisho qaaday tabtii Nageeye Cali Khaliif oo 100-maalmood ka dib maqnaashishiisa shaaciyay inuu ku biiray kooxaha Jihaadiga ah.

Wararka ayaa intaas ku daray in abwaanka uu ka baxsaday Muqdisho maalmo ka hor una kallahay magaalada Jilib ee gobolka Jubbada Dhaxe, halkaas oo ay ka arrimiso kooxda AS.

Hay’adda NISA, ayaa horey xabsiga u taxaabtay abwaanka ka dib markii lagu tuhmay in uu baraha bulshada ka taageero kooxda, maalmo ka dib markii la waayey abwaan Nageeye, waxaana lagu sii daayay damiin sida ay wararka sheegeen.

Laamaha amaanka ee magaalada Muqdisho ayaa wali wax war ah ka soo saarin dhacdadan, iyaga oo sida oo kale hore uga gaabsaday tagistii Nageeye ee deegaanada AS.

Safarka soo noqnoqda ee Suugaanleyda Somaliland ay ku tagaan Jilib ayaa hadal hayn badan ka dhaliyay baraha bulshada saacadihii la soo dhaafay, iyada oo ay jiraan dad cabsi ka muujiyay in Naageeye uu jeexay tabtii ay aqoonyahanada deegaanadaas ku qaataan fikrado xaqjir ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM