​Somaliland oo ka hadashay Kaniisad ku taal Hargaysa

Image

HARGAYSA, Somaliland- Wasaaradda Diinta iyo Arrimaha Awqaafta Somaliland, ayaa ka hadashay hadal dhawaan kasoo yeeray mid kamid ah wakiillada hay’adaha Ajnabiga ah ee ku sugan deegaanada Somaliland taasoo sheegtay in dowladdu u ogolaatay Kaniisad ay ku cibaadaystaan.

Hadalkan oo aad loogu baahiyay baraha internet-ka ayaa keentay in dowladdu sheegto in kaniisad cusub aysan jirin, balse ay ogolaadeen in Ajaanibka Jooga Hargaysa ku cibaadaystaan Kaniisad Isticmaarkii ka dhigay halkaas oo xirnay Soddonkii sano ee lasoo dhaafay.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda oo ku saxiixnaa wasiirka wasaaraddaas Sheekh Khaliil Cabdullaahi kasoo ganafka ku dhuftay wararka Internetka lagu baahiyay balse qiray in xukuumaddu ogolaatay in Kiristaanku ku cibaadaystaan goobtaas.

“Waxaan cadaynayaa inaysan jirin Kaniisad cusub oo laga dhisay Hargaysa sida lagu faafiyay warar been abuur ah iyo sawirro aan xaqiiqada ka turjumayn oo been abuur ah, lamana ogola in Kaniisad cusub laga furto Hargaysa,” Ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay Somaliland.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in Dastuurka Somaliland iyo shareecada Islaamka aysan ka hor imaanayn in Kiristaanku yimaadaan oo sifo sharci ah kula joogaan dabadeedna ku cibaadaystaan goobihii Isticmaarku dhisay 70 sano ka hor.

“Shareecada Islaamka iyo Dastuurka Somaliland kama hor imaanayo in Ajaanibku noo yimaadaan, sifo sharci ah nagu martiyaan, mana diidaayo inay ku cibaadaystaan goobihii ay horay u lahaayeen ee dhisnaa tan iyo Xilligii Ingiriiska 70 sano ka hor,” Ayaa lagu yiri Qoraalka kasoo baxay wasaaradda Diinta iyo Arrimaha Awqaafta Somaliland.

Hadalkan ayaa hoosta ka xariiqaya inay jiraan goobo gaar u ah dadka aan haysan diinta Islaamka oo ku yaalla magaalada Hargaysa.

GAROWEONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM