​Waqtiga doorashada Somaliland oo la shaaciyay

Image

HARGAYSA, Somaliland- Waqtiga ay dhacayso doorashada madaxtinimo iyo midda Barlaman ee maamulka Somaliland ayaa maanta lagu dhawaaqay kadib kulan dhexmaray xukuumadda , madaxda Axsaabta iyo guddiga doorashooyinka.

Shikraas ayaa looga hadlay talo soo jeedin ku aadanayd in doorashada dib loogu dhigo iyadoo sidoo kale lagu shaacinayay muddo todobo bilood ah oo dib looga dhigay waqtigii horay loo asteeyay.

Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Somaliland ee magaalada Hargaysa, ayaa lagu sheegay in doorashada dib loo dhigay iyadoo loo anaynayo arrimaha abaaraha ee deegaamada maamulkaasi ka jira.

 “Shir ay wada yeesheen Madaxweynaha Somaliland, Guddida Doorashooyinka Qaranka, Saddexda Xisbi Qaran ee Kulmiye, Waddani iyo UCID, oo lagaga arrinsanyo muddaynta Doorashooyinka Madaxtooyada, Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deeganka,"Ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay madaxtooyada Somaliland.

Dood dheer kadib waxay la shaaciyay qodobo dhawr ah oo ay isku raaceen Guddiga doorashooyinka, axsaabta siyaasadda iyo xukuumadda Somaliland, kuwaasi  kala ahaa;

1. In Doorashada Madaxtooyada ee hadda dib u dhacday abaaraha baahsan awgeed, la qabto taariikhdu marka ay tahay 10/10/2017

2. In Doorashooyinka Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka ay qabsoomaan isku wakhti, taariikhdu marka ay tahay 10/10/2018.

Go’aankan waxa ku saxeexnaa;

1.Gudoomiyaha xisbiga UCID,                    Mudane, Faysal Cali Xuseen.

2. Guddoomiyaah xisbiga WADANI,           Mudane, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi  .

3. Guddoomiyaah xisbiga KULMIYE,         Mudane, Muuse Biixi Cabdi .

4. Guddoomiyaha gudida doorashooyinka, Mudane, Cabdiqaadir Iiman Warsame  oo goob joog ahaa.

Heshiishkan ayaa loo gudbin doonnaa golaha Guurtidda oo iyagu awood u leh muddo kordhinta, waloow ay sheegeen inay qiimayn doonaan oo ay go'aan kasoo saari doonaan.

Dhawaan ayay ahayd markii waraaq ay ku saxiixanyihiin Hogaamiyaasha axsaabta Somaliland ku codsadeen in dib loo dhigo doorashada Somaliland muddo todob bilood ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM