Xanuunka Shuban-biyoodka oo ka dillaacay Togdheer

Image

BURCO, Somaliland- Shacabka gobolka Togdheer oo muddo la daalaa dhacayay abaaraha baahsan ee ka jira deegaanada Somaliland ayaa wararku sheegayaan inuu saameeyay xanuunka Shuban-biyoodka.

Waxaa la xaqiijiyay inuu hal qof u geeriyooday xanuunkaas oo ka jira qaybo kamid ah gobolka.

Dad kale oo aan tiradooda la xaqiijin ay la il-daranyihiin xanuunka.

Guddoomiyaha gobolka Togdheer, Maxamud Cali Saleebaan Ramaax, ayaa warbaahinta gudaha u xaqiijiyay inuu cudurkan dillaacay, taasoo uu sheegay inay ka dhalatay abaaraha ka jira waddanka.

Wuxuu xusay inay wadaan dadaalo dadkaas lagu bad-baadinayo isagoo sheegay in dadka xanuunsan lageyay goobaha caafimaadka.

Dhinaca kale Mudane Ramaax ayaa kulan la qaatay ganacsatada deegaanka isagoo kala hadlay wax u qabashada dadka tabaalaysan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM