Dagaal sokeeye oo laga cabsi qabo in uu ka qarxo waddanka Itoobiya

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia - Dowladda Itoobiya ayaa ku dhawaaqday in xaalad degdeg ah oo lix bilood qaadan doonta la geliyay gobolka waqooyiga dalkaas ku yaalla ee Tigray. Golaha wasiirrada ayaa qoraal ay soo saareen waxay ku sheegeen in xaaladdan degdegga ah looga gol leeyahay in "lagu sugo nabadda, badqabka iyo ammaanka shacabka iyo si looga hortago falal dalka u horseedi kara qas iyo xasilooni darro".Wuxuu goluhu sheegay in xaaladda gobolka Tigray aanan "lagu xakameyn karin xoojinta sharciga ee caadiga ah".

Tallaabadan ayaa ka dambeysay cadho ka dhalatay weerar ay maleyshiyaad kasoo jeeda Tigray-ga ku qaadeen saldhig milatari.

Rai'sul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed ayaa weerarkaas kaddib amar ku bixiyay in militariga dalkiisa in ay gutaan waajibadkooda ah in dalka iyo dadka la badbaadiyo, islamarkana ay tallaabo ka qaadaan gobolka Tigrayga oo ku eedeeyay inay dagaal billaabeen.

Rai'sul wasaaraha ayaa xisbiga TPLF ku eedeeyay inay weerareen saldhig militari oo ku yaalla gobolka, isagoo arrintaas ku tilmaamay mid looga gudbay xadkii ugu dambeeyay ee dulqaadka.

TPLF ayaa horey waxay ugu eedeeyeen maamulka Abiy in uu marmarsiiyo ka dhiganayo feyriska Corona si uu xilka usii heysto maadama waqtigiisu uu ku ekaa bishii October.

Maxaa ka socda gobolka Tigray?

Girmay Gebru, oo ah wariyaha BBC-da laanteeda ku hadasha afka Tigray-ga ayaa soo tabisay in aroornimadii Arbacada dhawaqa rasaasta laga maqlayay gudaha magaalo madaxda gobolka Tigray ee Mekelle, laakiin markii dambe xasiloonida ayaa dib usoo noqotay.

Isu socodka dadka lugeynaya ayaa hadda caadi ugu soo laabtay magaalada, laakiin gaadiidka dadweynaha ayaa shaqada joojiyay maadaama maamulka ay soo rogeen xayiraado adag oo dhinaca dhaqdhaqaaqa ah.

Waxaa sidoo kale la xiray hawada gobolka, sida ay wararku sheegayaan.

Waxaa xiran dhammaan bangiyada iyo xafiiska kaliya ee ay halkaas ku leedahay shirkadda telefoonnada ee ay dowladda maamusho ee lagu magacaabo Ethio Telecom - taasoo sidoo kale ah shirkadda kaliya ee adeegga telefoonnada ka bixisa dalka Itoobiya.

Shirkadda diyaaradaha qaranka ee Ethiopian Airlines ayaa joojisay duullimaadyadii ay ku tageysay gobolkaas.

Ma cadda sida dowladda federaalka ay u dhaqan galin doonto xaaladda deg-degga ah ee lagu soo rogay Itoobiya, maadaama gobolkaas ay gacanta ku hayaan hoggaamiyeyaashiisa, sida ay wariyaheenna sheegtay.

Waxay intaas ku dartay in ciidamada Tigray-ga lagu daadiyay xadka uu gobolkaas la wadaago gobolka Amxaara.

Maxay dhaheen madaxda Tigray-ga?

Mid ka mid ah saraakiisha maxalliga ah ayaa sheegay in ciidamada federaalka ee Itoobiya gobolkaas ka joogay ay goosteen, laakiin warkaas wali si rasmi ah looma xaqiijinin.

Isbuucii lasoo dhaafay, hoggaamiyeyaasha Tigray ayaa is hor taagay janaraal uu Abiy Axmed u magacaabay ciidamada milatariga ee gobolkaas jooga.

Waxay tallaabadaas ku sheegeen maadaama uusan Ra'iisul Wasaaruhu hadda gacanta ku heynin maamulkooda.

"Waligeen xabadda kuma hormari doonno, mana noqon doonno kuwa looga hormaro," ayuu yiri Getachew Reda, oo xubin sare ka ah xisbiga TPLF, mar uu isbuucii hore la hadlayay wakaaladda wararka ee AFP.

Waddanka ma wuxuu qarka u saaran yahay inuu kala go'o?

Guddiga fulinta ee deegaanka ismaamulka Tigreega ee dalka Itoobiya ayaa bishii September sheegay in go'aan kasta oo golaha Federeeshiinka ka soo baxa oo lagu joojinayo doorasha ka dhacda deegaankaasi uu ula mid yahay dagaal la iclaamiyey oo lagu soo qaadayo deegaanka Tigreega.

"Shacabka Tigreega waxay xaq u leeyihiin iney doortaan ciddii hoggaamin lahayd, halka la rabay in lagu dhiirrigeliyo in la carqaladeeyo doorashadooda waa mid lid ku ah geeddi socodka dimuqraadiyadda" ayaa war-murtiyeedka lagu yiri.

Hase yeeshee golaha ayaa go'aamiyay in dowladda ay maamulka sii heyso muddo aan la cayimin, iyagoo amar ku bixiyay in doorashada dib loo dhigo sababo la xiriira fayraska corona.

Arrintaas ayaa horseedday xiisad weyn oo ka dhex billaabatay xukuumadda uu hoggaamiyo Dr Abiy Axmed iyo siyaasiyiinta gobolka Tigray.

Gobolka Tirgay ayaa looga dhawaaqay in doorashadiisa aan dib looga dhigi doonin waqtigii sharciga ahaa, taasoo horseedday ismariwaa baaxad leh.

Waxay siyaasiyiinta gobolkaas sheegeen in Golaha Federeeshiinka ee degaanka Tigreega uu si ka duwan deegaannada kale uu u qabsanayo doorashadiisa.

Maamulka Tigreega ayaa ka dhagafureystay digniinaha iyo farriimaha uga imanayay Aqalka Sare, Guddiga doorashooyinka qaranka iyo dowladda dhexe ee dalkaasi Itoobiya intaba.

Doorahsda guud ee Itoobiya ka dhici lahayd bisha September 2020, ayaa dib loo dhigay sababa la xiriira cudurka safmarka ee Coronavirus, iyada oo labada aqal ee dalkaasi ay cod buuxa ku ansixiyeen in doorashada dib loo dhigo 9 bilood ilaa sanad.

Xiisadda taaga waxay sare u qaadday cabsida laga qabo in xisbiga Tigray-ga ee TPLF uu tallaabo u qaadi karo sameynta maamul u gaar ah oo ka madax bannaan federaalka Itoobiya.

Siyaasiyiinta TPLF waxay mar walba ku celceliyaan inay diyaar u yihiin sidii uu gobolkaas - oo xad la wadaaga Eretariya - uu uga sii mid ahaan lahaa Itoobiya. Laakiin waxay hoosta ka xariiqeen in ay difaacan doonaan waxa ay ugu yeereen "ismaamulka iyaga u gaarka ah".

Waxay Dr Abiy Axmed ku eedeeyeen inuu isku dayayo sidii uu "ku sameysan lahaa dowlad sal adag".

"Waligeen ma taageeri doonno qof walba oo ujeeddadiisu tahay inuu kala dhantaalo xaqa aan dadaalka dheer usoo galnay ee ah inaan "ismaamulno" iyo inaan "go'aan gaar noo ah lahaanno," ayuu yidhi hoggaamiyaha gobolkaas, Debretsion Gebremichael, oo hadlay bishii August.

Falcelinta dowladda dhexe ee ka dhalatay doorashada deegaanka Tigreega

Ra'iisal wasaare Abiy Axmed ayaa sheegay inay dowladdu qaadeyso tallaabbo kasta oo ay kaga hortageyso dhaqdhaqaqyada dastuurka dalka ka hor imaanaya.

Dr Abiy Axmed oo ka jawaabayay hadalka ka soo yeeray deegaanka Tigreeda oo ahaa in ay doorasho gaar ah deegaan ahaan u qabsanayaan islamarkaana aysan sugeynin doorashada guud ee dib loo dhigay wuxuua yiri:

"Dhaqdhaqaaq kasta oo ka hormarinaya dastuurka dalka waa khalad aad u weyn waxayna xadgudub ku tahay shuruucda dalka iyo kuwa caalamka intaba."

"Sida uu dhigayo dastuurka dalka Itoobiya qodobkiisa 50-aad ee faahfaahinaya awoodda iyo waajibaadka dowladda federaalka, waa inaan dastuurka difaacno, waxkasta oo ka horimanayana aan ka hortagno, diyaar ayaan u nahay taas" ayuu yiri.

Guddiga doorashooyinka siduu uga falceliyey?

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka qaranka ee dalka Itoobiya Birtukaan Mideqsa oo warbaahinta dalkaasi la hadashay ayaa sheegtay in hadalka ka soo yeeray deegaanka Tigreega inuu la yaab ku noqday uuna yahay mid sharci darro ah.

"Sida uu dhigayo dastuurka dalka Itoobiya qodobkiisa 102-aad, arrimaha doorashada waxaa awood u leh guddiga doorashooyinka qaranka oo kaliya" ayay tiri.

"Doorashada heerarkeeda kala duwan waxaa qabanaya oo wakhtiga la qabanayana go'aan ka gaari kara guddiga doorashooyinka qarnaka ee dalka Itoobiya."

"Deegaan wuxuu doorasho si gaar ah u qabsan karaa marka uu codsigiisa soo gaarsiiyo guddiga doorashooyinka, guddiguna uu oggolaado codsiga deegaanka oo keli ah, balse ma jiro ilaa iyo hadda deegaan codsi doorasho soo gaarsiisay guddiga doorashooyinka. Xilli dalka Itoobiya uu ku jiro xaalad degdeg ah oo uu la tacaalayo cudurka safmarka ee Covid-19 in deegaan xubin ka ah dowladda Federaalka uu sheego inuu doorasho qabsanayo waa nasiib darro," ayey tiri guddoomiyaha guddiga doorashooyinka qaranka ee dalka Itoobiya Birtukaan Mideqsa.

Tani iyo marka uu dalka Itoobiyaha ka dhacay isbeddelka uu majaraha u qabtay Dr Abiy Axmed waxaa sii badanayey khilaafka u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo Dowlad Deegaanka Tigreega, iyada oo uu deegaankaasi uu ku doodayo iney dowladda hadda ka arrimisa dalka Itoobiya nidaamki Federaalka ee lagu heshiiyey god ku sii rideyso

GO + BBC

Related Articles

Markabkii ugu horeeyay oo ay leedahay Itoobiya oo ku xirtay Dekad ku taalla Kenya

Itoobiya ayaa ku tiirsan dekadaha Jabuuti, waxaana hadda ay raadinaysaa kuwa kale, oo ku yaalla dalalka deriska, sida Kenya iyo Soomaaliya.

  • Afrika

    14-05-2024

  • 06:41PM

Milateriga Cameroon oo soo furtey 300 rayid ay afduubatay Boko Haram

Dalalka Cameroon, Chad iyo Nigeria ayaa ku waramaya in dagaalyahanada Boko Haram ay dib usoo laabanayaan.

  • Afrika

    14-05-2024

  • 04:10PM