Museveni: Uganda waa dal aan badda lahayn, laakiin baddaydu waa xaggee?  

Image

NAIROBI, Kenya — Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni, ayaa ku celiyay in dalkiisu uu xaq u leeyahay gelitaanka Badda Hindiya, isagoo ku dooday in dalalka aan lahayn badda ay la kulmaan caqabado dhaqaale iyo difaac.

“Uganda waa dal aan bad lahayn, laakiin baddeenii waa xaggee? Baddeenna waxay ku taalla Badweynta Hindiya, waxaan ku jirnaa Guri oo dabaqa sare deganahay, sidee kuwa dabaqa hoose degan lagu dhihi karaa iyagaa Guriga leh, tani waa waalli,” ayuu yiri Museveni.

Museveni ayaa xusay in mustaqbalka dhici karo dagaal ku saabsan badda, hadii aysan Uganda helin marin-badeed dhanka Kenya. Arintan oo kale waxay haysataa Itoobiya oo dhinaca Soomaaliya iyo Eritrea ka raadinaysa bad.

Madaxweynaha Uganda ayaa ka digay in xayiraadaha ku saabsan marinada ganacsi, tareenada iyo dhuumaha shidaalka ay keeni karaan khilaafyo mustaqbalka.Khubarada siyaasadda ayaa digay in hadalada Museveni xitaa haddii ay tusaale yihiin ay dhaawici karaan xiriirka muddo dheer 

Dowladda Kenya ayaa hadalka Museveni ku tilmaantay mid aan la aqbali karin. Xoghayaha Joogtada ah ee Arrimaha Dibadda, Korir Sing’Oei, ayaa sheegay in Museveni uu si buuxda u fahamsan yahay xeerarka caalamiga ah ee dhulka iyo badda.

Khubarada siyaasadda ayaa digay in hadalada Museveni xitaa haddii ay tusaale yihiin ay dhaawici karaan xiriirka muddo dheer taagnaa ee u dhexeeya Kenya iyo Uganda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Haweenay Itoobiyaan ah oo 12 sano sugaysay ubad ayaa dhashay shan mataano ah

Bedriya ayaa sheegtay inay farxad weyn dareemayso kadib sannado badan oo ay la daalaa dhacaysay sugitaanka ubad.

  • Afrika

    08-05-2026

  • 07:15PM

Madaxweyne Salva Kiir oo Eryay Taliyihii Ciidanka iyo Wasiirkii Maaliyadda

Dalkan oo ah midka ugu da'da yar Afrika, ayaa tan iyo iyo markii ka go'ay Sudan wuxuu lugaha kula jiraa dagaalo.

  • Afrika

    07-05-2026

  • 08:29PM