Eritrea oo ka cabsi qabto in Itoobiya xoog ku qabsato dekedda Assab [Casab]

Image

Asmara — Dowladda Eritrea ayaa muujisay walaac xooggan kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in Itoobiya ay qorsheyneyso in ay si xoog ah u qabsato dekedda Assab, taas oo ku taalla koonfurta Eritrea kuna dhow xadka labada dal — qiyaastii 75 kiiloomitir uun u jirta.

Mas’uuliyiinta Eritrea ayaa ku eedeeyay Itoobiya inay si siyaasadeed iyo ciidanba u cadaadinayso deriskeeda si ay u hesho marin badeed toos ah. Wasiirka Warfaafinta Eritrea, Yemane Gebremeskel, ayaa sheegay in Addis Ababa “ay wado olole lagu carqaladeynayo madaxbannaanida Eritrea”, isaga oo ku tilmaamay hadallada Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed kuwo “khatar ku ah nabadda gobolka”.

Isagoo ka hadlayay baarlamaanka Itoobiya dabayaaqadii bisha Oktoobar, Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa mar kale ku adkeeyay in Itoobiya ay leedahay “baahi aan la celin karin” oo ku aaddan inay hesho marin badeed u gaar ah.

Abiy ayaa yiri: “Waxaan milyan jeer hubaa in Itoobiya aysan sii ahaan doonin dal bad la'aan ah.”

Wuxuu intaas ku daray in uu arrintan horey ugala hadlay dowladaha Maraykanka, Ruushka, Shiinaha, Midowga Afrika iyo Midowga Yurub, isagoo doonaya in uu helo taageero caalami ah oo ku aaddan hammigiisa ah in Itoobiya yeelato deked u gaar ah.

Dhanka kale, Itoobiya ayaa sheegtay inaysan dooneyn dagaal, balse ay u baahan tahay inay hesho marin badeed si loo taageero dhaqaalaha dalka oo aan lahayn xeeb badeed tan iyo markii ay Eritrea gooni uga baxday 1993-kii. Abiy Ahmed ayaa hore u sheegay in Itoobiya “aanay sii ahaan karin dal dhulka ku go’an”.

Khubarada arrimaha siyaasadda Geeska Afrika ayaa sheegaya in xiisaddan cusub ay khatar ku tahay xasilloonida gobolka, gaar ahaan heshiiskii nabadeed ee la gaaray 2018-kii kadib dagaalkii dheer ee labada dal.

Beesha caalamka, oo ay ka mid yihiin Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay, ayaa lagu wadaa inay ku baaqaan wada-hadal iyo xasillooni, si looga fogaado in colaado cusub ka qarxaan gobolka Badda Cas.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Midowga Afrika: Doorashadii Tanzania ma waafaqsana heerarka dimoqraadiyadda

Warbixintu waxay ku tilmaantay in doorashadu “aysan u hoggaansamin mabda’a AU, qaab-dhismeedyada caadiga ah.

  • Afrika

    06-11-2025

  • 06:38AM

"Dilaagii Al Fasher Abu Lulu": Waxaan rabay inaan dilo 2,000, laakiin tirada way dhaaftay

Abu Lulu, magaciisa dhabta ahna uu yahay Al Faateh Cabdullaahi Idriis, waa mid ka mid ah taliyeyaasha ugu cabsida badan ee RSF.

  • Afrika

    04-11-2025

  • 05:58PM