Kiiska musuq ee loogu dhag-raaricinta badnaa Kenya oo la xukumay
NAIROBI, Kenya – Gudoomiye ku xigeenka maxkamadda sare Kenya, Philomena Mwilu, ayaa ka badbaaday xeer-ilaalinta markii Xeer-beegtada ugu sareysa dalkaasi ay laashay dacwadaha musuq-maasuq ee ka dhanka ahaa iyadda.
Shan garsoore oo ka tirsan waaxda caddaalada oo kala ah; Hellen Omondi, William Musyoka, Mumbi Ngugi, Chacha Mwita iyo Francis Tuiyot ayaa xukumiyey in xafiiska xeer-ilaalinta dacwadiisa aysan sharci ku saleysneen.
Garyaqaanadda ayaa sidoo kale waxay go’aamiyeen in caddeymaha uu dacwad oogaha kusoo helay sifo baalmarsan sharciga.
Maxkamadda ayaa intaasi raaciysay in xeer-ilaalinta ay ku xad-gudubtay xuquuqda gaar ahaaneed ee Mwilu markii ay koontadeeda bangiga dhexe ugu dhaceen iyaga oo aanan haysan wax ogolaanshiyo ah.
Dacwad-oogeyaasha ayaa muujiyey in ay xiiseynayaa racfaan ay ka qaataan xukunka ay maxkamaddu riday.
Agaasimaha xafiiska xeer-ilaalinta, Nuuradiin Xaaji, ayaa waydiistay maxkamadda in ay kala cadeyso hadii geedi u socodka gal-dacwadeedka dib loogu soo bilaabi karo fadhiyadda maxkamada ee soo aadan.
- Bilowga gal-dacwadeedka -
Philomena Mwilu, gudoomiye ku xigeenka maxkamada sarre, ayaa laga soo xiray xarunta maxkamadda 28-da bishii Agoosto sanadkii 2018-kii.
Iyadda oo ay wehliyaan mas'uuliyiin, xiligaasi waxaa loo kaxeeyay xarunta xeer-ilaalinta si su'aallo looga waydiiyo eedemo musuq-maasuq.
Mwilu ayaa lagu beegsaday howlgal ka dhan ah Maxkamadda Sarre oo ku aadan tuhuno ku aadan "maamul dhaqaalo xumo".
Eedeymaha ay wajaheyso waxa qayb ka ah in aysan xisaab celin ugu sameynin mas'uuliyiinta Kenya ee dakhliga.
Dambiyadaasi oo la sheegay in ay gaareyso 12-milyan oo lacagta Kenya ah una dhiganta in ka badan 11 milyan oo dollar-ka Mareykanka ayaa lagu waramayaa in ay ku kacday sanadyadii 2013-kii iyo 2016-kii.
Isla markiiba waxay gudbisay kiiska kahor inta aysan Maxkamadda Sare xukmin in laga joojiyo maxkamadeyn dambi. Tani ayaa dhabaha u xaartay dagaal cusub.
Dharbaaxada ku dhacday xeer-ilaalinta ayaa nan ahayn tii ugu horeysay, waxaana jirtay in Maxkamadda darajada labaad ay mar xukmisay in kiiskaan uu yahay mid "aanan waafaqsaneen hanaanka sharciga ah".
Sikastaba ha ahaatee, gal-dacwadeedkaan ayaa ah midka loogu dhag-raaricinta badnaa gudaha wadanka Kenya gaar ahaan dhanka wax is-dabamarinta, waxaana iminka muuqata in ay u dhowaaneyso in ay soo gabagabeyoobeyso.
GAROWE ONLINE