Maxaa sabab u ah kororka afgembiyada milatari ee Afrika?

Image
Afar inqilaab ciidan oo guuleystay ayaa illaa haatan sanadkan waxay ka dhaceen qaaradda Afrika.

WASHINGTON, USA – Isku-dayadda afgembi ama inqlaabyada ciidan guuleystay ayaa si joogto ah uga dhacaya qaarada Afrika in ka badan heerka ay joogeen dhamaadkii waqtigii gumeysiga iyadda oo dowladaha horumaray la halgalamayaa safmareenka halista badan ee Coronavirus.

Sanadkan gudahiisa, laba jeer ayuu milatariga riday dowladda dimuqraadiga ah ee Suudaan. Jeneraal Cabdel Fatax Al Burhan ayaa bishii lasoo dhaafay jiho kale u wareejiyey dhaqdhaqaaqa iyo loolanka dowladaha horumaray ee manqdiadda.

Madaxweynaha Masar, Cabdel Fataax Al Sisi oo 2013-kii afgembi ku maroor-sadey taladda ayaa lagu waramayaa in uu si weyn u taageerayo ciidamadda inqlaabay dowladda Suudaan.

Xoogaga milatariga dalalka Ghad, Mali iyo Guinea ayaa sidoo kale waxay sanadkan meesha ka saareen dowladaha sida tooska ah ay u soo doorteen shacabkooda ayaga oo cuksanaya burbur dhaqaale iyo faragelin kaga imaanaysa dibadda.

Isku-dayo afgembi fashilmay ayaa sidoo kale waxaa sanadkan sii dhamaanaya laga soo wariyey wadamadda kala ah; Madagascar, Central African Republic iyo Niger. Tani waxay ka dhigan in illaa haatan afar inqlaab guuleystay ay wajahadey qaaradda oo ay ugu dambeysay Suudaanta soo kabaneysa.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, ayaa isaga oo ka hadlaya inqlaabka Suudaan wuxuu sheegay in qaaradda Afrika ay dhex-dabaalaneyso "safmar afgembi". "Qaar kamid ah hogaamiyeyaasha milatariga waxay dareemayaa in ay ayaga leeyihiin xasaanadda ugu weyn," ayuu tibaaxay.

Soo laba-kacleynta afgembiyada milatariga ayaa kusoo aadaysa hal qarni kadib banaanbaxyadii Gugii Carabka ee ka dilaacay bariga Dhexe. Sidoo kale, waxay kusoo hagaagaysaa saddex qarni kadib markii dalalka Latin American iyo Southeast Asian ay xukunka milatariga ka doorteen dimuqraadiyadda.

Tirada afgembiyadda sanadkan ka dhacay qaaradda ayaa ka badan 1980 iyo 1970 xilligaas oo Afrika ay xorriyada qaadatay balse Jeneraalada iyo siyaasiyiinta xukunka la wareegeen ayaga oo qiil ka dhiganaya in ay la dirirayaan musuqmaasuqa.

Wargeyska Wall Street Journal ayaa falanqeeyeyaal iyo diblumaasiyiin wuxuu kasoo xigtey in sababta soo celisay afgembiyada milatarigu tahay dowladaha horumaray oo aad u quudareynaya in ay la macaamilaan talisyada macan-gaga ah.

Shiinaha oo si weyn ugu gacan-sareeya qaaradda, ayaa leh siyaasad ku dhisan "faragelin la’aan". Ruushka oo sal-balaaris wada wuxuu adeegsanayaa ka ganacsiga hubka. Mareykanka iyo xulafadiisa waxay xoqonayaa kaar ilaalinta dimuqraadiyada.

Sikastaba ha ahaatee, si qaaradu u noqon meel horumarsan, nabad ah, dadka soo doortaan hogaamiyeyaashooda, doorashooyinkuna ku qabsoomaan si nabad ah, Afrika ayaa u baahan in dadkeedu u sara kacaan sidii ay heli lahaayeen xuquuqda ay mudan yihiin oo ah in ay leeliyaan aduunka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

In ka badan 100 caruur agoon ah loo sameynayo aroos wadareed

Talaabadan ayaa carro xooggan waxa ay ka dhalisay guud ahaan waddanka Nigeria.

  • Afrika

    18-05-2024

  • 03:35AM

Itoobiya oo cambaareysay hadal kasoo yeeray Mareykanka

Xukuumadda Addis Ababa ayaa sheegtay in aan lagala tashan hadalada kasoo yeeray Washington.

  • Afrika

    17-05-2024

  • 03:43AM