Museveni oo sharaxay hadalladiisii marin-badeedka Badweynta Hindiya
KAMPALA - Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa faahfaahin dheeri ah ka bixiyay hadallo uu dhawaan sheegay oo ku saabsan xaqa dalkiisu u leeyahay marin badeed uu ku gaaro Badweynta Hindiya, kuwaas oo buuq iyo dood ka dhex dhaliyay gudaha Kenya iyo guud ahaan Bariga Afrika.
Isagoo la hadlayay warbaahinta qaranka Uganda Jimcihii, 21-ka Nofeembar 2025, Museveni wuxuu sheegay in hadalladiisu ku salaysnaayeen baahida loo qabo federaal siyaasadeed oo ka ballaaran midowga kastamka iyo suuq-geynta ee hadda ka jira Bulshada Bariga Afrika (EAC), si loo xoojiyo isdhexgalka siyaasadeed, dhaqaale iyo milatari.
“Arrinta amniga istaraatiijiga ah ayaa sababtay in aan ka hadlo Badweynta Hindiya. Xitaa haddii aan ku mideysan nahay EAC, difaaca si wadajir ah uma qorshayno. Dal kasta difaaciisa ayuu keligiis u qaabilsan yahay,” ayuu yiri Museveni. Wuxuu intaas ku daray in dalalka qaar ay awood u leeyihiin dhismaha ciidan cirka, ciidan badeed iyo tiknoolojiyad satelayt ah, halka dalalka xeebaha lehna mararka qaar aysan awood dhaqaale u lahayn. “Halkee ayuu federaalka siyaasadeed ka soo gala? Halkaas,” ayuu ku nuuxnuuxsaday.
Hadalladan ayaa yimid kadib markii uu horey uga digay in Uganda, oo aan lahayn xeeb, ay xaq u leedahay inay gaarto Badweynta Hindiya. Isagoo wareysi bixiyay 11-ka Nofeembar 2025, Museveni wuxuu ku baaqay in dalalka Bariga Afrika ay si buuxda isugu midoobaan dhaqaale si looga hortago khilaafaadka mustaqbalka. “Qaabka siyaasadeed ee Afrika maanta waa mid aan macquul ahayn. Dalal badan badeed ma leh, dhaqaale ahaan iyo difaac ahaanba way ku xayiran yihiin. Sideen u dhoofinnaa waxsoosaarkeenna?” ayuu su’aal ku dhaliyay.
Museveni wuxuu sheegay in Uganda aysan awoodin inay dhisto ciidan badeed ama ay si madax-bannaan u dhoofiso badeecooyinkeeda maadaama aysan lahayn marin badeed. Wuxuu sheegay in ku tiirsanaanta Kenya iyo dalalka kale ee deriska ah ay dhibaato abuurto. “Waxaan la galnaa wadahadallo aan dhammaad lahayn Kenya, markan arrintan, marna tan. Tareenka, dhuumaha, biyaha — waan ka wada hadlaynaa. Laakiin baddu aniga ayay ii taal, meeday baddeydu? Baddaas waxaan u leeyahay xuquuq.”
Inkasta oo hadalladiisa ay kicisay walaac ku saabsan xasilloonida Bariga Afrika iyo xiriirka taariikhiga ah ee ganacsi iyo dhul ee Kenya iyo Uganda, haddana shacab badan oo Bariga Afrika ah ayaa arrinta ka sameeyay kaftan iyo memes aad u faafay oo lagu maadsanayo sheegashada Museveni ee “baddii maqan.”
GAROWE ONLINE