Erling Haaland oo Dhaawac Awgiis Garoomada Ka Maqnaan Doona ilaa Dhamaadka Janaayo

Image
Erling Haaland ayaa garoomada ka maqnaan doona ilaa dhammaadka bisha Janaayo.

Manchester (GO) - Weeraryahanka kooxda Manchester City, Erling Haaland, ayaa garoomada ka maqnaan doona ilaa dhammaadka bisha Janaayo sababo la xiriira dhaawac lugta ah, sida uu sheegay tababaraha kooxda Pep Guardiola. City ayaa la ciyaaraysa kooxda Newcastle United horyaalka Premier League maanta oo Sabti ah, waxayna booqan doonaan Tottenham Hotspur wareegga afaraad ee FA Cup-ka 26-ka Janaayo ka hor inta aysan Burnley ku marti qaadin horyaalka 31-ka Janaayo.

Guardiola wuxuu sheegay inuu filayo in weeraryahanka reer Norway ee 23 jirka ah uu dib ugu soo laabto tababarka inta lagu jiro xerada tababarka ee Abu Dhabi toddobaadka soo socda.

“Waxaan u baahannahay isaga,” ayuu yiri Guardiola. “Waxaan rajeyneynaa inuu soo laabto oo uu ciyaaro afarta ama shanta bilood ee soo socota iyadoo aan wax dhibaato ah jirin.” Tababaraha City wuxuu sidoo kale sheegay in difaaca reer Switzerland, Manuel Akanji, uu sidoo kale maqnaan doono ilaa dhammaadka bisha, laakiin wuxuu war wanaagsan ka sheegay Kevin De Bruyne, oo u dhashay Belgium, kaasoo la filayo inuu ku soo laabto safka hore.

De Bruyne, oo 32 jir ah, oo dhaawac muruqa ah soo gaaray maalintii ugu horeysay ee xilli ciyaareedka kulankii Burnley, ayaa bedel ku soo galay kulankii FA Cup-ka ee ay ka badiyeen Huddersfield todobaadkii hore. Guardiola wuxuu si wanaagsan uga jawaabay markii la weydiiyay haddii ciyaaryahanka khadka dhexe uu bilaabi karo cayaarta Newcastle.

“Haa. Wixii aan shalay arkay aad ayaan ugu faraxsanahay, wuxuu ahaa mid firfircoon, daqiiqadihii uu ciyaaray ayuu ka fiicnaa tababarkii ka horreeyay ciyaartii Huddersfield. Wuu fiicnaanayaa hadda, wuxuu heli doonaa dhowr maalmood oo fasax ah ciyaarta kadib wuxuuna ku tababaran doonaa Abu Dhabi si uu u fiicnaado bilaha soo socda,” ayuu ku daray. City waxay ku jirtaa kaalinta saddexaad, waxayna shan dhibcood ka dambeeyaan hogaamiyeyaasha Liverpool, laakiin Guardiola iyo kooxdiisa ayaa ciyaar gacanta ku haysata waxayna weli aaminsan yihiin inay ku guuleysan karaan horyaalka afarta jeer oo isku xigta.

“Immisa dhibcood ayaa hartay? 18 ama 19 ciyaarood … marka dabcan waa suurtagal xisaabeed,” ayuu yiri tababaraha. Newcastle waxay ku jirtaa kaalinta sagaalaad, waxayna 11 dhibcood ka dambeeyaan City, waxayna cayaarta soo socota la yeelan doonaan city iyagoo la kulmay saddex guuldarro oo xiriir ah horyaalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Al-Nassr oo Sadio Mane kala soo wareegay Bayern Munich

Mane ayaa loo arkaa inuu yahay xiddigii labaad ee ugu weyn ee la saxiixday Al-Nassr, ka dib Cristiano Ronaldo oo ay la wareegeen bilowgii sanadkan.

  • Cayaaraha

    02-08-2023

  • 08:04AM

Cabdixafiid Cabdi: Ayeeyo-koriskii guusha u soo hooyay qaranka

Hooyadiisa Faadumo Bana ayaa si qiiro leh uga hadashay wacdaraha wiilkeeda ka dhigay kubada cagta Afrika.

  • Cayaaraha

    17-10-2022

  • 03:43AM