Liverpool oo heshiis caalami ah ka saxiixatay ciyaaryahan Soomaali ah

Image

LIVERPOOL, UK – Kooxda horyaalka heerka koowaad ee Ingiriiska ka xamaalata ee Liverpool ayaa Khamiista maanta ah shaacisay in ay qandaraas caalamka ah ku abaalmarisay Cabdi Shariif, oo ah ciyaaryahan Soomaaliyeed.

Naadigan sanad ciyaareedkan kaalinta labaad kaga dhameystay tartanka Premier League ayaa waxa aysan soo bandhigin mudada sanada ah ee uu qalinka ku duugay laacibkan ka dheela khadka dhexe.

18-sano jirkan oo tababar la qaadanayey kooxda nagu naaneeso Reds-ka tan iyo markii ay da'diisu ahayd saddex sano jir ayaa waxa uu si rasmi ah uga mid noqday kooxda saddex sano kadib.

Cabdi ayaa ku dhashay Soomaaliya balse waxa uu ku barbaarey degmaddaToxteth oo ka tirsan magaalaa Liverpool, cariga Boqortooyadda Ingiriiska.

Xagaagii hore, Shariif ayaa laf-dhabar u ahaa kooxda ay da'dooda ka hooseyso 18-jirada ee Liverpool, isaga oo ka caawiyey guulo kala duwan oo ay gaartay.

Kama dambeysta tartanka FA-ga gaar ahaan midka dhalinyaradda ayuu safka hore kasoo muuqday, isaga oo dhaliyey gool ku laad, ka caawisay Liverpool in ay koobkaasi qaado markii ugu horeysay 12-sano kadib.

Manchester City ayay ka faromaroojiyeen koobkaasi.

Shariif ayaa kulankiisii ugu horeeyay waxa uu u saftay kooxda ciyaartoyda ay da'doodu ka hooseyso 23-jir bishii Janaayo, isaga oo goolkiisii ugu horeeyay ee heerkaasi ka dhaliyey Chelsea bishii April.

Sikastaba ha noqotee, Cabdi Shariif ayaa waxa uu ku biirayaa liiska ciyaartoyda Soomaalieed ee ka tirsan kooxaha waaweyn ee dalka Ingiriiska, inkasta aysan gaarsiisaneen heer ay EPL-ka kaga soo muuqdan.

Cayaaraha ayaa loo arkaa halka kaliya marka laga soo tago waxbarashada ee dhalinta Soomaaliyeed ee qurbaha ku nool si gaar ah UK ay kaga fogaan karaa fal-dambiyeed sida dilal tooreyda oo sanadihii u dambeeyay batay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Erling Haaland oo Dhaawac Awgiis Garoomada Ka Maqnaan Doona ilaa Dhamaadka Janaayo

Erling Haaland ayaa garoomada ka maqnaan doona ilaa dhammaadka bisha Janaayo.

  • Cayaaraha

    13-01-2024

  • 06:51AM

Al-Nassr oo Sadio Mane kala soo wareegay Bayern Munich

Mane ayaa loo arkaa inuu yahay xiddigii labaad ee ugu weyn ee la saxiixday Al-Nassr, ka dib Cristiano Ronaldo oo ay la wareegeen bilowgii sanadkan.

  • Cayaaraha

    02-08-2023

  • 08:04AM