Midnimada Soomaaliya iyo Siyaasadda Laba-Wajiilaha Ah

Image

FAALADA WARKA | Tan iyo markii Somaliland ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya sanadkii 1991, waxaa jiray kulamo, wada-hadallo iyo isku dayo dib loogu mideynayo Soomaaliya ama lagu xallinayo khilaafka u dhexeeya Muqdisho iyo Hargeysa. Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland ayaa marar kala duwan ku kulmay dalal ay kamid yihiin Jabuuti, Turkiga, Itoobiya iyo Imaaraadka Carabta, hase yeeshee weli xal kama dhalan.

Dhanka kale, Puntland oo la aasaasay sanadkii 1998, waxay markasta ku taagneyd ilaalinta midnimada Soomaaliya iyo dhismaha dowlad Soomaaliyeed oo loo dhan yahay. Asaaska Puntland wuxuu si cad uga soo horjeeday kala goynta Soomaaliya, iyadoo hormuud ka noqotay dadaalladii dib loogu dhisayay dowladnimada dalka.

Si kastaba, siyaasadda Muqdisho mar walba waxay ahayd mid u muuqata laba-wajiile. Dowladihii Federaalka ee isaga dambeeyey xilalka waxay xiriir dhow la lahaayeen Somaliland, xilli maamulkaasi si joogto ah ugu baaqayay gooni-isu-taag. Isla waqtigaas, Puntland oo difaac ugu jirtay qaranimada Soomaaliya waxay la kulmeysay cadaadis siyaasadeed, xanibaadyo mashaariic horumarineed iyo taageero la’aan dhinacyada amniga ah, gaar ahaan dagaalladii ay kula jirtay argagixisada noocyadeeda kala duwan. 

Su’aasha weyn ayaa ah: maxaa dambi ah oo laga galay kala goynta Soomaaliya? Dunida maanta waxaa weli ka jira muranno la xiriira gooni-isu-taag iyo dhuleedyo lagu muransan yahay. Shiinaha iyo Taiwan wali waxay isku hayaan hal-Shiine siyaasadeed, halka dagaalka Ruushka iyo Ukraine uu qayb ka yahay muranka ku saabsan dhul iyo madaxbannaani. Sidaas darteed, ma sax baa in maamul jira oo leh dastuur, xeerar iyo hay’ado dowladeed si sharci darro ah loo kala jaro? Jawaabta su’aashaas waxaan u dhaafeynaa akhristayaasha.

Waxaa xusid mudan in madax badan oo Soomaaliya soo maray, oo uu kamid yahay Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud, ay si dadban u aqbaleen in Somaliland u dhaqanto sidii dowlad gooni ah, halka ay isla waqtigaas siyaasadda Muqdisho ugu tiirsaneyd xildhibaano ku yimid nidaamka 4.5, kuwaas oo qaarkood aan xitaa tagi karin Hargeysa balse codadkooda lagu xisaabtamo Villa Somalia.

Villa Somalia ayaan marnaba ma saarin cadaadis hurumarineed iyo mid diplomaasiyeed maamuladii Hargeysa isaga dambeeyey iyadoo mar walba eegeysay aragtiyada qabiileysan ee ka dhashey dagaaladii sokeeye ee Soomaaliya. 

Dhacdadii Tukaraq sanadkii 2018 waxay ahayd tusaale kale oo muujinaya jahawareerka siyaasadeed ee arrintan ku xeeran. Ciidamada Somaliland ayaa la wareegay Tukaraq xilli Madaxweyne Farmaajo booqasho ku joogay Garowe. Puntland xilligaas waxay isku aragtay inay difaaceyso qaranimada Soomaaliya, balse dowladda Federaalka waxay ku ekaatay baaqyo guud oo lagu joojinayo dagaalka, iyadoo aan si cad u cambaareyn qabsashada deegaankaas. (

Sidoo kale, siyaasiyiin badan oo Villa Somalia joogay waqtigaas waxay si weyn uga baqayeen cadaadis kaga yimaada xildhibaanada ku abtirsada Somaliland ee ku jira Baarlamaanka Federaalka.

Dhanka kale, inkastoo warsidaha Garowe Online uusan taageersaneyn in koox dhalinyaro ah ay calanka Somaliland la yimaadaan barxadaha magaalada Garowe, haddana cambaareynta xooggan ee ka timid qaar kamid ah dadka Muqdisho u janjeera ee ku nool magaalo madaxda Puntland waxay u muuqataa mid siyaasadeysan, islamarkaana la xiriirta isku day lagu qarinayo muranka ka dhashay muddo xileedka dhammaaday ee Madaxweyne Xasan Shiikh.

Waxaa iyana mudan in la isweydiiyo: maxaa keenay in isla dadkaasi aysan cod dheer uga hadlin kala goyntii Puntland looga sameeyey deegaano kamid ah Sool iyo Cayn, iyadoo aan loo marin hannaan sharci ah ama heshiis aysan ku aheyn dadkii maamulka Puntland wada sameystey 1998 kii. 

Doodda ku saabsan raadinta midnimada Soomaaliya waa mid jaban oo aan waafaqsaneyn shuruucda caalamiga ah ee dal ku raadiyo wadajirkiisa, balse ah mid salka ku haysa dano siyaasadeed iyo xisaab awood-qeybsi, halkii ay ka ahaan lahayd mabda’ qaran oo mideeya dhammaan Soomaalida.

GAROWE ONLINE- 

Related Articles

Halista Sii Kordheysa ee Soomaaliya iney Dagaal Dadban ku Galaan Quwado Shisheeye

Sawirka waxaa sii murgaya doorka sii kordhaya ee Israa’iil ee gobolka. Aqoonsiga Somaliland…

  • Faalada Warka

    09-01-2026

  • 07:18PM

Markii Xeerarkii Caalamiga Ahaa Daciifeen: Somaliland iyo Aragtida Hindiya

Go’aanka Israa’iil waxa uu yimid iyadoo dunida inteeda kale ay wajahayso xaalado kala duwan…

  • Faalada Warka

    03-01-2026

  • 05:03AM