Shacabka oo aragti ka dhiibanaya shirka Jubbooyinka

Image
Image

Talaado, September 2, 2014 [GO] Guddiga shirka dib u heshiisinta beelaha Jubbooyinka ayaa magalada Kismaayo ka wada kulamo kala duwan oo aragtiyo looga aruurinayo shacabka si loogu dabaqo shirkaasi oo la qorsheeyay inuu qabsoomo 16-ka bishaan.

Guddigan ayaa magalada Kismaayo maanta oo Talaado ah kulan kula qaatay qaar ka mid ah shacabka waxayna ka aruurinayaan siday u arkaan in la isku soo dhaweeyo shacabka walaalaha ah ee dhibaatadu kala kaxaysay iyo sidii kaalin uga qaadan lahaayeen.

Gudoomiyaha guddiga dib u heshiisiinta Cabdi Baaleey ayaa sheegay inay muhiim tahay sidii looga shaqayn lahaa hormarka iyo nabadgalyadda Jubbaland taasna ay ku imaan karto shacabka oo la heshiisiiyo isla markasna laga fogeeyo qalalaasaha siyaasadeed  iyo dhibaatooyinka.

Dadku waxay sidoo kale soo dhaweeyeen go'aankii uu Hoggaamiyaha mucaaradka ah ee Col.Barre Hiiraale ka qaatay colaada isla markasna u door biday inuu nabadda iyo wanaaga Jubbaland ka shaqeeya.

Qaban qaabada shirka ayaa laga dareemayaa magalada Kismaayo waxana socda dadaalo uu mamulka Jubbaland ku damacsan yahay inuu ku adkeeyo ammaanka inta shirka uu socda.

Wafdiyo ka imaanaya beesha caalamka iyo DF ayaa lagu wadaa inay soo gaaraan magalada Kismaayo.

Madaxwaynaha mamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa horay u sheegay in la joogo waqtigii laga gudbi lahaa ku dhaqanka qabiilka isla markasna loo jeesan lahaa dhanka hormarka iyo wax wada qabsiga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya Halis bay Ku Jirta: Doorashada 2026 Oo Keeni Karta Khilaaf dhanka Sharciyada ah

Dhanka kale, Somaliland waxay ku dhawaaqday gooni isutaag 1991, waxayna raadineysay aqoonsi muddo soddon sano iyo bar ah.

  • Fikradaha

    20-12-2025

  • 08:31AM

Hannaanka Doorasho ee Halka-Dhinac ah ee Villa Soomaaliya wado wuxuu Halis Gelinayaa Xasilloonida iyo Dawlad-dhiska Soomaaliya

Arrintan waxa sii adkaynaya maqnaanshaha hay’ad maamul doorasho oo dhexdhexaad ah oo metelaysa dhammaan dhinacyada.

  • Fikradaha

    19-12-2025

  • 06:41PM