Soomaali la dagaalay shaqaalaha diyaarad uu la socdey oo la xiray

Image
Warar ka ayaa sheegaya in ninkan uu sarkhaasanaa iyo in duulimaadka uu kusoo jeeday Muqdisho.

ISTANBUL, Turkey - Laamaha amniga Turkiga ayaa xiray nin Soomaali ah kadib markii uu weeraray shaqaale ka tirsan diyaarad Khamiistii kasoo duushay Istanbul kuna soo jeeday magaalada Muqdisho.

Sidda ay sheegayaan wararka, shilka ayaa ka dhacay diyaaradda summadeedu tahay TK-646 taasoo ka kicitantey garoonka caalamiga ah ee Istanbul abaare 2:00 subaxnimo.

Markii ay diyaaradda ay soo gashay hawada Masar, rakaabka Soomaaliga ah oo la sheegay inuu sakhraansan yahay, ayaa bilaabay inuu dhibsado rakaabka kale, sidda ay qortay saxaafadda.

"Shaqaalaha diyaarada ayaa farageliyey xaalad. Nasiib darro, waxay ku guuldareysteen in ay xaaladda dajiyaan taasoo qasabtey in ay go'aan degdeg ah qaataan duuliyeyaasha," ayuu yiri goobjooge

Kabtanka diyaaradda Boeing 737-8 MAX ayaa kadib dhacdadaas waxa uu ku laabto hawada Turkiga waxaana uu si deg deg ah uga soo degay garoonka magaaladda Antalya.

"Isla markii ay soo degtay abaare 6:00 subaxnimo, rakaabka fowdada sameeyay ayaa lagu xayiray saldhiga booliska isla diyaaradda isagoo sita katiinado caag ah," ayay ku dareen goobjoogeyaasha.

Taliska Booliska Turkiga ayaa illaa haatan waxa uusan fahfaahin ka bixin dhacdadan. Safaarada Soomaaliya ee Turkiga ayaa qudheeda kasoo jawaabin codsiyo ay u direen warbaahinta maxaliga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cabsida cagafyada Muqdisho: Yaa la siiyaa dhulka marka shacabka laga dumiyo guryahooda?

Dowladdu waxay ku doodaysaa in qoysas badan ay degeen dhul dowladeed kaddib…

  • Warbixino

    29-08-2026

  • 01:46AM

Heshiiska $18 bilyan ee Meta: Maxay carruurta, waalidiinta iyo dunidu ka baran karaan?

Heshiiska, oo weli u baahan ansixinta maxkamadda, wuxuu noqon karaa mid…

  • Warbixino

    28-08-2026

  • 02:27PM