Wareegtada Camey, ragaadinta Gaas mise rafasho siyaasadeed?

Image

Waa markii u horeysey oo khilaaf noocan ahi ama heerkaas gaara oo aan waxba la isu reeban soo kala dhexgalo Madaxweyne iyo kuxigeenkiisa tan iyo dhismihii Puntland.

Inkastoo dhawr mar ay is maan dhaafeen Madaxweyne Cabdilaahi Yuusuf iyo Maxamed C Xashi labadoodaba alle ha u naxariistee hadana waxay ahaayeen kuwo xalistay arimahooda.

6 bilood kadib doorashadii Gaas iyo Camey ee 2014 ayuu soo shaac baxay khilaafkii u horeeyey ee labada masuul xiligaasoo la isku qabtay hab maamulka maaliyada ee Eng Camey oo Gaas saluugey sida wax loo maareeyey mudo uu ku maqnaa mid kamid ah safaradii ugu dheeraa ee uu dalka kaga baxay markii la doortay kadib Madaxweyne Gaas.

Wixii intaa ka danbeeyey waxaa jirey khilaaf marba meel joogey oo la odhan karo wuxuu ahaa baaxaa deg siyaasadeed mar shiiqayey marna ladhka iyo lurka kharaar kor u kacayey.

Heer uu doonaba ha joogee maanta wuxuu soo gaarey halkii u danbeysey oo u muuqata inaan waxba la isula harayn (Neef gawracan geedo kama leexdo).

Maxaa sabab u ah in xaaladu hadda halkaa gaarto?

Ololaha doorashadda, hardanka iyo  suxul duubka loogu jiro xulista xildhibaanada cusub ee Puntland waa sababta koowaad ee salka u ah khilaafka gudigan.

Waa arin aan qofna ka qarsoonayn in Madaxweyne Gaas iyo Madaxweyne kuxigeen Camey labaduba gacan togaaleeyeen iskuna dayeen inay  saamayn ku yeesheen xulista xildhibaanada cusub.

Camey wuxuu u dagaalamay in xildhibaano isaga la mowqif ah soo baxaan gaar ahaana kuwa gobolka  Cayn oo uu kasoo jeedo.

Kursiga dagaalka ba'an ka dhacay oo Gaas iyo Camey ku hardameen waxaa kamid ah xildhibaanka  jifadda Madaxweyne Camey oo  5 tii sano ee u danbeeyey uu ku fadhiyey Xil Cumar X Cabdi Akbe. Eng Camey wuxuu si weyn ugu dadaaley inuu kursiga kusoo laabto Xil Cumar taasoo uu ku guuldaraystey.

Qodobka labaad ee dagaalka ba'an ka dhashay oo markale Gaas iyo Camey  isku maan dhaafeen ayaa ah magacaabista xubinta gudiga xalinta khilaafaadka u gelaysa gobolka Cayn kaaso Madaxweyne  Gaas  u magacaabay Huseen Cali Xasan (Somali) halka Eng Camey soo jeediyey in laga dhigo laba nin oo kale  midkood. 

Balse Gaas oo la tashanaya Xildhibaanada cusub ee deegaanka kasoo jeeda (aan wali la ansixin)  kuwaasoo wata saxiixa Isimadooda ayaa ku gacan sayray arintaas oo magacaabay Xuseen Soomaali.

Waxaa xusid mudan in Eng Camey 6 bilood ka hor isbaray Xuseen Soomaali iyo Madaxweyne Gaas. Xiligaas Camey wuxuu soo jeediyey in Xuseen lagu daro gudiga Xalinta khilaafaadka balse dabaysha siyaasadeed ee marba dhinac u roorta iyo gadgadoonka waayaha oo ay ugu horayso arinta Xildhibaanka aan kor kaga soo sheekaynay ayaa Camey mowqifkiisa bedeley balse waxba ugama suurta gelin.

Labada masuul ee talada haya dastuurku wuu kala jideeyey awoodahooda siyaasiga ah balse hadda arintu waxay u muuqataa in dastuurka dhinac la iska dhigay xaalkuna yahay isku maqan lagu maqan yahay.

Arinta Baarlamaanka iyo gudoomiyaha wakhtigiisu dhamaaday.

Sharciyan Puntland hadda malaha baarlamaan. Dastuurka Puntland ayayna ku cadahay wixii ka danbeeya bilowgii Nov  in uu dhamaaday wakhtigii baarlamaanka loona dareeray xulista baarlamaan cusub. Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanku wuxuu lumiyey xubintii xildhibaanimo ee beeshiisa arimaha faragelinta ayaa keenay in wiil kamid ah shaqaalaha Madaxtoyada uu kaga guulaysto tartankii xildhibaanka ee beesha dhexdeeda.

Sidaas darteed majirto awood sharci oo maanta uu leeyahay gudoomiyaha baarlamaankii 4'aad ee Puntland.

Halkee saldhigan doontaa xaaladdani.?

Inta xog ogolaalka ah iyo kuwa sharciga dalka wax uun ka akhriyey caad kama saara meesha arintu sal dhiganayso oo baarlamaanka waxaa ansixin doona gudiga Ku soo baxay xeer Madaxweyne.

Arintuna kama duwanaan doonto gudigii musharaxiintu ka barbar magacaabeen xiligii Faroole gudiga magacaabay taasoo markii danbe iyadoo aan la wada hadal wax heshiis ahna dhicin loo hogaansamey gudii Faroole magacaabay.

W/Q Khadar Awl Ismail

Related Articles

Puntland: Madaxwayne akhri qodobka 80-aad!

Sanadkii 2009 ayaa la asnixiyey dastuur loo dhanyahay, looguna wan-qalay inuu yahay sharciga ugu sareeya Puntland.

  • Fikradaha

    11-10-2022

  • 05:08AM

Yay tahay aminga in uu sugo!

"Sahminta inta badan fikirka amniga aadanaha [human security], wuxuu abuuraa iskaashi dheeli tira".

  • Fikradaha

    02-04-2020

  • 10:15AM