​100 ruux oo ku dhintay dhul-gariir ka dhacay Indonesia

Image

Saraakiisha caafimaadka dalka Indonesia, ayaa ku waramay in khasaaro xooggan uu ka dhashay dhul gariir waddankaas ka dhacay maanta gaar ahaan gobolka Aceh.

Tirada dhimashada ayaa lagusoo waramayaa inay kor u dhaaftay 100 ruux halka dhaawaco intaas ka badanyahay.

Cabirka masiibadan ayaa lagu qiyaasay 6.5, dhismeyaal badan ayaa burburay waxaana laga cabsi qabaa in ay dad badan ku hoos xayiran yihiin burburka hoostiisa.

Kooxaha gar-gaarka deg dega ah, ayaa ku jira howlgal xoog leh iyadoo ay kaalmaynayaan ciidamada difaaca, booliiska iyo dadka gobolkaas ku dhqan.

Taliyaha millatariga gobolka Aceh ayaa waraysi TV oo toos loo baahiyay ka sheegay in tirada dhimashadu ay wali sii kordhayso.

Afhayeen u hadlay hay'adda masiibooyinka ee dalka Indonesia ayaa warbaahinta maxalliga ah u sheegay in-kabadan 200 oo dukaammo iyo guryo isugu jira ku burbureen dhulgariirka ayna ka mid yihiin 14 masaajid.

Isbitaal iyo iskuulo waxbarasho ayaa sidoo kale waxyeelo wayn soo gaartay.

2004-tii dhulgariir badda hoosteeda ka dhacay oo ku dhuftay xeebaha Aceh oo sababay tsunami waxaa ku geeriyooday 160,000 oo ruux.

Cabsi xoog leh ayaa wali gobolka kajirta, waxaana dowladdu ku dadaalaysaa inay daad-gurayso dadka halista ku jira iyo kuwa ka bad-baaday masiibadaasi rabaaniga ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM