Al-Sharaa oo cambaareeyay weerarrada Israel ee ka dhanka ah Suuriya

Image

DIMISHIQ, Suuriya — Madaxweynaha Suuriya Axmed Al-Sharaa ayaa cambaareeyay weerarrada iyo faragelinta milatari ee Israel ka waddo gudaha Suuriya, isagoo sheegay in tallaabooyinkaasi ay wiiqayaan nabadda iyo amniga gobolka.

Al-Sharaa ayaa sheegay in Israel ay gudaha Suuriya ka fulisay in ka badan 500 duqeyn oo cirka ah, halka ay sidoo kale dhacayeen in ka badan 1,200 duullaan ama howlgallo militari, iyadoo la xiray ku dhowaad 300 qof.

“Arrintani waxay ka hor imaaneysaa jihada aan ku aragno heerka caalamka. Waxay xusuusinaysaa xilli aan u maleynaynay inuu muddo dheer soo dhammaaday,” ayuu yiri Al-Sharaa.

Madaxweynaha Suuriya ayaa ugu baaqay Israel inay ciidamadeeda kala baxdo dhulka Suuriya, isla markaana ay u hoggaansanto heshiiskii kala saarista ciidamada ee 1974, kaas oo dejiyay aagagga ciidamada Suuriya iyo Israel ay ku kala sugan yihiin.

“Waxaan diiddanahay isku dayga Israel ay ku doonayso inay xaqiiqo cusub ku soo rogo dhulka. Waxaan diiddanahay gardarradeeda oo wiiqaysa nabadda iyo amniga,” ayuu yiri.

Al-Sharaa ayaa sheegay in Suuriya ay weli diyaar u tahay waddo horseedi karta nabad iyo amni, balse uu sheegay in nabaddaasi ay tahay inay noqoto mid caddaalad ku dhisan oo ilaalisa xuquuqda dhammaan dhinacyada.

“Fursadda nabadda iyo amniga way jirtaa kuwa doonaya inay nabad ku noolaadaan, nabad caddaalad ah oo ilaalisa xuquuqda dhammaan,” ayuu yiri madaxweynaha Suuriya.

Hadallada Al-Sharaa ayaa ku soo beegmaya xilli xiriirka Suuriya iyo Israel uu weli yahay mid xasaasi ah, iyadoo ciidamada Israel ay sii wadaan howlgallo militari iyo duqeymo ay ka fuliyaan gudaha Suuriya.

Dowladda Suuriya ayaa marar badan ku baaqday in la dhowro madax-bannaanideeda iyo midnimadeeda dhuleed, halka Israel ay sheegtay in tallaabooyinkeeda militari ay la xiriiraan ilaalinta amnigeeda iyo xaaladda ka jirta xuduudaha labada dal.

GAROWE ONLINE

Related Articles