11 kamid ah ciidamada ammaanka Ethiopia oo la dilay

Image

Xukuumadda dalka Ethiopia, ayaa sheegtay in Kow iyo Toban kamid ah ciidamada ammaanka dalkaasi lagu dilay magaalada Gonder ee Waqooyi Galbeed dalkaasi.

Dilkan ayaa yimi kadib rabshado ka dhacay magaaladaasi, waxaana dowladda Ethiopia arrintaasi ku eedaysay xukuumadda Eretria.

Warar kale oo madax banaan ayaa sheegay in arrintan ka dhalatay bannaanbax  ay sameeyeen dadka kasoo jeeda qowmiyadda Amxaarada kuwaasoo diidanaa in dhulkooda lagu daro gobolka Tigreega.

Rabshadahan ayaa sidoo kale saamayn ku yeeshay xukuumadda Adis Ababa.

Itoobiya ayaa sidoo kale waxaa saameeyay banaanbaxyo ay samaynayaan dadka Oromada ee waddanka ugu badan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM