235 qof oo lagu dilay weerar ka dhacay Masjid ku yaalla Masar

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MASAR - Ugu yaraan 235 qof ayaa lagu dilay, in ka badan 109 kalena dhaawacyo ayaa kasoo gaarey weerar lagu qaadey Masjid ku yaalla waqooyiga gobolka Siinaay ee dalka Masar.

Saraakiisha Booliska dalka Masar ayaa sheegay Koox hubaysan ay weerar ku galeen Masjidka xilli salaadii Jimcaha lagu jiray, waxaana ay rasaas ku fureen dhamaan Jameecadii ku jirtay salaadda.

Waxaa sidoo kale gudaha Masjidka ka dhacay qarax ragga weerarka ku qaadey ay wateen, kaasi oo geestay inta badan khasaaraha, sida ay Goobjoogiyaal u sheegeen Wargeyska Al-Ahram.

Dowladda Masar ayaa ku dhawaaqday saddex maalmood oo baroor-diiq heer qaran ah, kadib weerarka argagaxiso, kaasi oo loo maleynayo inay ka dambayso Kooxda Daacish ee ku xoog badan gobolka Siinaay.

Masjidka la weeraray waxaa lagu magacaabaa Al Rawdah, wuxuuna ku yaalla degmada Bir Al-Abed oo galbeed magaalada Arish dhacda. Wali ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarkan.

Madaxweyne Al Siisi ayaa kulan deg deg ah isagu yeeray gudiga amniga Masar si ay uga wada hadlaan weerarka dhacay iyo sidii dowladda uga jawaab celin lahayd.

GAROWE ONLINE

Related Articles

WHO: 1.23 milyan oo qof ayaa sanadkii la soo dhaafay ku dhintay TB

Sanadkii la soo dhaafay, $5.9 bilyan ayaa la heli jiray si loogu isticmaalo ka hortagga, ogaanshaha iyo daaweynta TB-ga.

  • Caalamka

    13-11-2025

  • 01:15PM

Donald Trump oo codsi u diray Madaxweynaha Israa’iil si uu u cafiyo Ra’iisul Wasaare Netanyahu

Ilaa hadda ma jiro jawaab rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Netanyahu ama dhinaca garsoorka Israa’iil.

  • Caalamka

    12-11-2025

  • 01:45PM