​12 qof oo ku dhintay Weeraro ka dhacay Tehran

Image

Weerarro mataano ah ayaa lagu qaaday baarlamaanka Iiraan iyo qabriga aasaasihii Iiraan ee Khomeini oo ku yaalla caasimadda Tehran.

Waxaa la xaqiijiyay in ilaa iyo 12 qof ay ku dhimatay labada weerar.

Weerarka baarlamaanka ka dhacay ayaa la sheegay in la soo gabagabeeyay iyadoo ay jiraan warar sheegaya in dad afduub loogu haystay gudaha baarlamaanka.

Qof is qarxiyay ayaa la sheegay inuu ku dhintay weerarka ka dhacay dhismaha uuku yaalla qabriga.

Kooxda la magac baxday dowladda Islaamka ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarkan oo haddii la xaqiijiyo noqon doono weerarkii ugu horreeyay oo kooxdu ay ku qaaddo Iiraan.

Kooxda ayaa baraha bulshada soo dhigtay muuqaal ay ku sheegtay inay soo duubeen dagaalamayaasheeda oo ku jiray gudaha baarlamaanka.

Wakaaladda wararka ee Iiraan ayaa sheegtay in mid ka mid ah dadkii weerarka soo qaaday uu is qarxiyay mid kalana ay xoogagga ammaanka dileen.

Dhowr qof oo booqnayay qabuuraha oo ah goobo macbad ah ayaa ku dhaawacmay weerarka.

BBC

Related Articles

Maxkamadda Bangladesh oo la filayo inay dil ku Xukunto Sheikh Hasina

Hasina, oo 78 jir ah, ayaa ku noolayd magangalyada New Delhi tan iyo markii ay ka carartay Bangladesh bishii Agoosto 2024.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 07:10AM

WHO: 1.23 milyan oo qof ayaa sanadkii la soo dhaafay ku dhintay TB

Sanadkii la soo dhaafay, $5.9 bilyan ayaa la heli jiray si loogu isticmaalo ka hortagga, ogaanshaha iyo daaweynta TB-ga.

  • Caalamka

    13-11-2025

  • 01:15PM