​13 Askari oo lagu dilay qarax ka dhacay Turkiga

Image

ANKARA, Turkey- Milateriga Turkiga ayaa sheegay in 13 askari ay ku dhinteen 48-na ay ku dhaawacmeen weerar looga shakisan yahay in loo adeegsaday gaari ay waxyaabaha qarxa saarnaayeen oo lala eegtay bas ay askartaas ku socdaalayeen.

Baska ayaa marayey magaalada ku taalla bartamaha Turkiga ee Kayseri, waxaana Sawirro TV-yada laga baahiyay muujinayaan baska oo burburay.

Ciidamadan, ayaa u socday fasaxooda todobaadka sida ay kusoo waramayaan ilo wareedyo ku sugan dalkaasi.

Weerarka ayaa ka dhacay meel aan ka fogayn jaamacadda Erciyes.

Majirto ilaa hadda cid sheegatay mas'uuliyadda qaraxaasi, balse waxaa loo malaynayaa inay ka dambeeyaa kooxaha mucaaradka ah ee Kurdiyiinta.

Dad badan, ayaa ku dhintay weeraro is-xig xigay oo ka dhacay magaalooyin ku yaalla waddanka Turkiga.

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM