​14 ku dhimatay dagaal ka dhacay Cadan

Image

Ugu yaran 14 qof ayaa lagu dilay dagaal kharaar oo ka dhacay magaalada Cadan ee koonfurta dalka Yemen. 

Dagaalka ayaa billowday kaddib markii xoogagga ammaanka ee dalka Yemen ay billaabeen hawlgal ay dagaalyahanada islaamiga ah dib uga qbasanayaan magaaladaasi.

Isbahaysiga uu Sucuudiga hoggaamiyo ayaa sabtigii codsaday taageero dhanka cirka ah kaddib markii kooxo xiriir la leh Al-Qaacidda iyo mintidiinta kooxda Khilaafada islaamka ay billaabeen hawlgallo ku dhufo oo ka dhaqaaq ah oo ka dhan ah milatariga dalkaasi. 

Labadani kooxood ee islaamiga ah ayaa ka faa’iideystay colaadda 18-ka bilood ka socotay dalka Yemen ee u dhaxeysay dowladda Yemen ee taageerada ka helaysay isbahaysiga uu Sucuudiga hoggaamiyo iyo fallaagada Xuutiyiinta si ay u qabsadaan dhul ballaaran oo ku yaal Koonfurta iyo bariga dalkaasi Yemen.

BBC

Related Articles

Iran Oo U Ogolaatay Maraakiibta Malaysia Inay Ka Gudbaan Marinka Hormuz

Ra’iisul wasaaruhu ma uusan faahfaahin tirada maraakiibta ka gudubtay marinka, ama shuruudaha lagu siiyay marin ammaan ah.

  • Caalamka

    27-03-2026

  • 07:54AM

Trump Oo Ka Fikiraya Inuu 10,000 Askari Kale U Diro Bariga Dhexe

Warbixinno ayaa tilmaamaya in ciidamada dheeraadka ah ay taageeri karaan difaaca saldhigyada Mareykanka.

  • Caalamka

    27-03-2026

  • 07:36AM